Xildhibaano Mooshin u gudbiyay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno gaaraya 17 mudane ayaa maanta mooshin degdeg ah u gudbiyay Gudoonka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan xaaladda amni ee Muqdisho.

Warqad ay ku saxiixan yihiin 17 Xildhibaan ayaa loo gudbiyay Gudoomiye Mursal, waxaana lagu dalbaday in amniga lagu soo daro ajandooyinka kulamada Gollaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay Gollaha Shacabka inuu muujiyo matalaad rasmi ah oo aysan ka aamusin Xasuuqa Shacabka Muqdisho ee lagu qarxinayo hoteellada, makhaayadaha, jidadka iyo goobahooda ganacsiga.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu kooram la'aan u baaqday Kulankii Gollaha, iyadoo gudaha xarunta Gollaha Shacabka ay Xildhibaano ka dhigeen mudaharaad. [Halkan akhri warka].

HALKAN K AKHRI MAGACYADA XILDHIBAANADA SAXIIXAY MOOSHINKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM