Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Farmaajo oo war culus oo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay Xildhibaano ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan howlka shirarka Guddiyadda joogtada ah ee Gollaha Shacabka [Villa Hargeysa] waxay soo saareen labo qodob oo ku socda Farmaajo.

Ugu horeyntii, Xildhibaanada waxay ku booriyeen inuu hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, islamarkaana aanu marnaba dhinac marin.

Si lamid ah, Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa waxay soo jeediyeen inta cod loogu qaadayo mooshinka xilka-qaadista uusan “sameyn karin” Madaxwaynaha qodobada soo socda:

1) In wax heshiis ah uusan geli karin.

2) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.

3) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

Qodobadaan ay soo saareen xubnahaan ayaa kusoo aadaya xili shalay oo Isniin ahayd Gudoomiye ku xigeenada ay soo saareen warqad, taasi oo inta badan umuuqata mid lagu go’doominayo Gudoomiye Mursal.

Sida ku cad warqada, Xildhibaanadda Mooshinka gudbiyay waxaa la faray inaanu ku shiri karin goobaha uu leeyahay Aqalka Wakiilada rayidka, balse waxaa muuqata inay buriyeen maanta oo ay kulan ku qabsadeen.

Tan iyo markii uu soo if-baxay Mooshinka xilka qaadista Farmaajo, oo keenay xiisad siyaasadeed oo qarka u saaran inay xargaha goosato labada dhinac – mucaarad iyo muxaafad – ayaa soo saarayay qoraal iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM