XOG: Khayre oo ka hortagaya Mooshin kaga yimaada Barlamanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre oo 26 November, 2017 xilka ka qaadey Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Imaan Cabdulahi Cali islamarkaana magacaabey Wasiirka Gashaandhiga Mursal Shiikh Cabdiraxman ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey go'aankiisa siyasadeed waxaa uu salka ku hayaa olole uu kaga hortagayo mooshin kaga yimaada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya. 

Xogta Warsidaha GO ka ogaadey xil ka qaadista iyo magacaabista lagu sameeyey Wasiirada kasoo jeeda beelaha daga gobolada dhaca maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegeysa iney tahay sidii wadada loogu xaari lahaa in Wasiirka Gashaandhiga Mursal Shiikh Cabdiraxman kamid noqdo golaha xukuumada Khayre. Sida warsidaha Garowe Online fahan-san yahay waxaa isku jiffo hoose ( beelaha Digil & Mirifle) kawada tirsan Wasiirka xilka laga qaadey iyo midka Gashaandhiga taasoo ka-wada mid ahaan-shahooda xukuumada ay ka horimaaneyso hab-qabsiga qabiileysiga ee ka jira dalka Soomaaliya.

Hadaba si loogu helo xubin kamid ah golaha xukuumada beesha Mirifle (Leyasan) ee uu Wasiirkii hore Gashaandhiga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ka soo jeedey ayaa meesha waxaa laga saarey Wasiirkii Awqaafta iyo Diinta Imaan Cabdulahi Cali.

Saameynta Siyasadeed ay xil-ka qaadistaan leedahay

Wasiirka cusub ee Gashaandhiga Maxamad Mursal Shiikh Cabdiraxman oo ka mid ah siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle aadka ugu dhow Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa maalmihii ugu dambeeyey qayb ka ahaa xubno dabada ka riixayey in mooshin xilka looga qaadayo laga keeno Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Khadiijo Maxamad Diiriye Wasiirka Isboortiga & Dhalinyarda

Xildhibaanada Barlamanka kaga jira beelaha Digil iyo Mirifle kuwooda dabada ka riixayey mooshinka ka dhanka ahaa Prof, Jawaari ayaa Wasiirka cusub la rabey iney ku badaal Guddoomiyaha Barlamanka hadii ay ku guulaysan lahaayeen cod ka qaadistista.

Mursal ayaa dhinaca kale xiriir dhow la leh Wasiirada Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye. Khadiijo Maxamad Diiriye ayaa kamid ah xildhibaanada Barlamanka Federaalka oo siyaasiyin ku gorgortama gacan ku haynta codadka qayb kamid ah mudanayaasha aqalka hoose kuwasoo saldhigoodu yahay gurigeeda oo aan ka fogeyn Villa Soomaaliya.

Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya oo go'aanka magacaabista iyo xil ka qaadista labadaan Wasiir qaatey booqashadii uu ku tagey magaalada Baydhabo kadib ayaa sida la rumeysan yahay waxay ka turjumeysaa heshiis siyaasdeed ee uu la gaarey Madaxweyne Shariif Xasan Halkaan ka akhri 

Xasan Cali Khayre ayaa dhinaca kale kalsooni ka sameystey Guddomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya kadib markii labo qodob uu fuliyey kuwasoo kala ah; in uu joojiyo mooshin ka dhan 'Jawaari' isagoo dhaqaale ku biixyey iyo in uu xubin wasiir u magcaabo siyaasigiii dabada ka riixayey mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ah.

Guddomiyaha aqalka House ee Barlamanka DF Somalia

" Xildhibanada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ma aha kuwo iyagu curiya mooshino ka dhan ah labada xil ee siyaasdeed "Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweynaha" balse waxay codkooda ku biirayaan diidamada beelaha kale gaar ahaan Hawiyaha markey damacsan yihiin iney xilka ka tuuraan mid kamid ah labada mas'uul ee xilalkaan haya.." sidaas waxaa GO u sheegey xildhibaan ka tirsan aqalka hoose oo diidey in magaciisa xusno.

"Khayre oo og sida wax u socdaan iyo heerka ay mareyso mucaaradada qaar ka tirsan siyaasiyiinta beelaha Hawiye ayaa waxaa uu dadaal ugu jiraa in xiriir dhow la sameyto horjoogyaasha siyaasdeed 'Jawaari iyo Shariif Xasan' arinkaas oo uu kaga hortagayo in xubnaha Digil & Mirifle ku biiraan dhaqdhaqaaqyada siyasdeed ee ka socda Muqdisho." waxaa sidaas yiri xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka oo hadalkiisa sii wata.

Dhinaca kale Wasiirka Kowaad talaabooyinka uu xilalka kaga qaadayo qaar ka tirsan Wasiirada ka tirsan golaha xukuumadiisa ayaa la rumeysan yahay iney sii socon doonto isagoo damacsan inuu ku xaliyo caqabadaha siyaasdeed ee ka haysta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda beeshiisa.

Mudane Khayre oo ka taxadaraya buuq kaga yimaada xildhibaanada kuwasoo codka kalsoonida u diidi kara xukuumadiisa hadii uu damco inuu isku shaandheyn guud sameeyo ayaa la filayaa in dhowaan Wasiiro kale u magacaabo xildhibaano iyo xubno kale aan ka tirsaneyn Barlamanka kuwasoo uu ka mid yahay Cabdulahi Godax Barre.

Godax Barre oo wayadaan dambe aad ugu dhow Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka difaaca xukuumada Xasan Cali Khayre xildhibanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ee ka tirsanaan jirey dowladii Xasan Shiikh kuwasoo mucaaradad ba'an magaalada Muqdisho kaga wada dowlada Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM