XOG: Khilaaf hareeyey kulan madaxda Soomaaliya ugu furmi lahaa Brussels

Image
Image
Image
Image

BRUSSELS- Kadib markii maalintii shaley June 15,2018 wafdiga Madaxweynaha Jubaland hogaaminayey si ku talo gal Hab maamuus madaxda maamulada la siinayey mid ka duwan uu kala kulmey garoonka diyaardaha magaalada Brussels ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf arinkaas ka dhashay hareyeey kulankaas.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey wafdiga uu hogaaminayey Madaxweynaha Jubaland ayaa diidey Hotekii loogu talagalay martidii ka socotey madaxda Soomaalida, waxay dageen Hotel la yiraahdo Radison Blue.

Wafuuda ay kala hogaminayeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland oo isku diyaarad ku wada yimid magalada Brussels ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaardaha Brussels waxaa loo sheegey in hab-maamuuska VIP loo diyaariyey oo kaliya Cabdiweli Cali Gaas isagoo meesha markaas kaga tagey Madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo xubnihii kale ee la socdey kuwasoo ay ku jireen Wasiiradiisa. Halkaan ka akhri

Safaarda dalka Soomaaliya ku leeyahay dalka Belgium iyo saraakiisha dowlada Federaalka u qaabilsan maamulka kulankaan ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxaa amar lagu siiyey iney qaadaan talabadaas oo ka careysiisey wafdigii Jubaland ee ka qayb galayey kulanka looga hadlayo arimaha Soomaaliya ee Brussels.

Dhinaca kale sida warsidaha Garowe Online ku heley warar lagu kalsoon yahay wafdiga uu hogamainayey Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale lagu sameeyey markii ay soo marayeen dalka Turkiga inkastoo sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Gaas tageero u muujiyey Shantii saacadood ay ku sugnaayeen magalaada Istanbul. 

Wararkii ugu dambeeyey aan ka heleyno Brussels ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubaland iyo wafdigiisu diideen iney ka qayb galaan furitaanka shirka.

Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan kasoo sababey in dhowaan garoonka diyaardaha Kismaayo laga soo celiyo abaanduulihii ciidamada Soomaaliya xilli uu damacsanaa in magalada Kismayo kasoo dago.

Jubaland ayaa ku eedyneysa Villa Soomaaliya faragalin siyaasadeed iyo in qaar ka tirsan gobolada maamulkaan ka arimiyo geeyeen Hub iyo Saanad ay dowlada Federaalka sheegtey iney siisey ciidamo ku sugan gobolka Gedo.

Maamulka Jubaland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegey in xogo hay’adahooda sirdoonka heleen ay xusayaan in hubkaas iyo saanad ciidanka oo isugu jirta raashin, rasaas iyo Dareyska ciidanka dowada Federaalka gaysay gobolka Gedo gacanta u gashay ururka Al Shabaab.

Khilaafyada u dhexeeya maamulada Soomaalida iyo dowlada Federalka ayaa noqdey kuwo joogta ah kuwasoo caqabad ku ah in diirada la saaro arimaha muhiimka u ah in dalkaas kasoo kabto dhibaatooyinkii laga dhaxley dagalada sokeeye.


Warkaan waxaan ku darey xogo kale waxyar kadib markii aan daabacney kala soco warsidahaan wararka soo kordha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM