Xog ku saabsan sida uu u dhacay weerarkii afaafka Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarka oo ku bilowday Baabuuro laga soo buuxiyay walxo qarxa ayaa waxaa kan hore uu ka dhacay Kontaroolka koowaad ee laga gallo Madaxtooyadda Soomaaliya, gaar ahaan midka ku dhow dhanka Beerta Nabadda, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay daqiiqado kadib bartamaha Isgoyska Ceel-gaabta, waxaana xigtay rasaas iyo iska horimaad toos ah oo dhex-maray rag hubeysan iyo ciidamo ku sugan Kontaroolka wadada ka timaada Ceelgaabta ee hormarta Beerta Nabada.

Illo wareedyo dhanka ciidanka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ragga weerarka fuliyay ay gaarayeen illaa afar kuwaasoo labo kamid ah ay Ciidamada toogteen halka labada kale ay ku dhinteen baabuurta qaraxyada geystay.

- Sheekadda qaraxa koowaad -

Qaraxa kadib, is rasaaseyn socotay ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa dhexmartay Ciidamada dowladda iyo Labo nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, kuwaasoo ciidamadda kahor istaagey inay galaan Villa Soomaaliya, kadibna dilay

Jugta qaraxa ayaa laga maqley qeyb badan oo kamid ah magaalada, iyadoo cirka isku shareeray qiiq iyo uuro oo laga arkayay meelo fog.

Hal askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda oo kamid ah kuwa ilaalada Madaxtooyadda ayaa la sheegay inuu ku dhintay iska hor-imaadka, iyadoo qaar kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay xaruumaha caafimaadka.

Goobjooge la hadlay GO ayaa wuxuu sheegay inuu arkay meydadka labo qof oo xiran tuutaha Ciidamada xasilinta, oo yaalla barta Koonatrool ee ku dhaw Isgoyska Ceelgaabta, kuwaasi oo saraakiisha amniga ay sheegeen inay yihiin kuwii weerarka tooska ah soo qaadey.

- Qaraxa labaad -

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari nooca raaxadda ah ayaanan geysan wax khasaaro ah, waxaana uu ka dhacay meel ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda, oo aan sidaasi uga fogeyn halka qaraxii kowaad uu ka dhacay.

Laakiin, dad shacab ah oo marayay wadada ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo gaaray khasaaro dhaawac, inkastoo aan la hubin illaa iyo haatan tiradda dadka wax ku noqday ama ku wax-yeeloobay.

Wariye-yaal ka tirsan Warisdaha Garowe Online oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa soo arkay burbur xoog leh oo soo gaaray Goobo ganacsi, Taalladda SYL iyo gaadiid ay leeyihiin ciidanka dowladda, kaasoo uu sameeyay Qaraxa labaad.

Xoogaga Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weeraradaan ayaa waxay tilmaameen in howlgalka ay maanta ka fuliyeen inta u dhaxaysa SYL hotel iyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, oo ay ku shaqeeyaan mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxyada, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay "fashiliyeen" laamaha amaanka ee dowladda.

Weerarka ayaa ka dhacay wado uu saakay uu soo maray Madaxweyne Farmaajo, taasi oo kasoo baxda Villa Soomaaliya, waxaana uu dhacay saacado kadib markii wafdiga Madaxweynaha kasoo gudbay, oo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii weeraro loo adeegsaday Qaraxyo iyo dagaal toos ah lagu qaaday xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha, halkaasoo lagu dilay dad ka badan 30 qof ayna ku dhaawacmeen xubno kale.

Weeraradan is xigay ayaa su'aal geliyay awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya ee sugida amniga Caasimadda, waxaana uu jug xoog leg gaarsiiyay qorshaha amniga Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM