Xog laga helay goorta uu furmayo Shirka Brussels iyo ajandihiisa

Image

BRUSSELS, Belgium - Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada beesha calamka, oo ay kamid tahay dowladda Ingiriiska ayaa ku kulmaya todobaadka soo socda magaalada Brussels, Belgium.

Shirkan caalamiga ah oo deeqbixiyaasha ay ka qeybgalayaan, ayaa sida uu qorshuhu yahay furmi doona Isniinta soo socota, waxaana uu socon doonaan mudo labo maalmood ah 16-ka illaa 17-ka bishan July, sida ay xaqiijisay Safaaradda UK ee Muqdisho.

Shirka Brussels, ayaa waxaa ajandooyinka looga hadli doono ay kamid ah in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabihii ka hirgelay qodobadii Shirarkii London, caqabadaha jira iyo sidoo kale tallaabooyinka xiga.

Dowladda Sweden ayaa kaalin weyn ka ciyaari doonta Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, oo ay la shir gudoomin doonto dowladda Belgium-ka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Go'aanno lagu taageero amniga, deganaanshaha, iyo horumarka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Dalalka deeqbixiyaasha ay kasoo saaraan Shirkan, waxaana dowladda Federaalka looga fadhiyaa inay horgeyso qorshe iyo maamul goboleedyada ku mideysan yihiin, oo amniga wax looga qabanayo.

Deeqo dhaqaale ayaa loogu yaboohi doonaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo dhawaan shirkii Baydhabo heshiis kula gaartey maamullada, kaasi oo ku aadan qeybsiga khayraadka, isku dhafka ciidamada iyo qodobo kale.

Lama oga in madaxweniyaasha shanta maamul goboleed ee dalka ay ka qeyb-gali doonaan shirka Brussels, maadaama maamulka Farmaajo uu horey u shaaciyay in dowladdiisa ay tahay mida kaliya ee Soomaaliya ku mateli karta shirarka caalamiga.

Wajigii kowaad ee Shirka Belgium-ka oo qabsoomey horaantii bishii May ee sanadkan, islamarkaana uu ka qeybgalay Ra'iisul Wasaare Xasna Cali Khayre ayaa waxaa dowladda Federaalka loogu deeqay lacag gaareysa €180 milyan oo euro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM