Xog naadir ah oo laga helay Shabaabkii weeraray Ballidoogle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Ballidoogle, horaantii todobaadkan, ayaa daaha laga rogay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in gulufka uu ku bilowday laba qarax gaari kuwaasi oo nooca xamuulka ah, isla markaana ay xigtay iska hor-imaad.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegeysa in qaraxyadda ay ka dhaceen afaafka hore ee xeradda oo 90 KM dhanka Galbeed kaga aadan Muqdisho, caasimada dalka.

"Tirro dagaalameyaal Al-Shabaab ah ayaa kahor inta uusan qarxin gaariga kasoo daatay, kuwaasi oo dhanka saldhiga afka soo aadiyey, balse dhamaantooda waa la toogtay," ayay tiri.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa war ka duwan kaasi baahiyey oo ah in ay khaarijiyeen 100 askari oo ay ku jiraan askari ajaaniib ah gaar ahaan ciidamo Ameerikaan ah.

"Um maleynayo in iyaga [AlShabaab] xitaa in ay filayeen in ay guuleysan doonan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan askarta dalka dhaca Geeska Afrika oo magaciisa qariyay.

Sawirro laga soo qaadey dagaalameyaasha AlShabaab ee la khaarijiyey ayaa muujinaya in xubnaha ay wateen dareeska ciidanka uu Mareykanku tababaro ee loo yaqaano Danab.

"Isku dhacyo badan ayaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalka ka dhaca…tani waa habka aan u nool nahay wali, waana sii noolaaleynaa," ayuu raaciyey sarkaalka.

Macluumaadyo naadir ah oo la dusiyey ayaa muujinaya in maleyshiyaadka Al-Shabaab ay sidoo kale wateen Bambaanooyin, madaafiic, Bastoolado, qori AK 47 ah iyo qasanado rasaas ah.

Dhamaan saanadahan oo ay la wareegeen ciidanka saldhiga joogay ayaa waxaa qayb ka ahaa; cunto ay kamid yihiin Caano iyo Tufaax, sidda laga soo xigtay xogaha la helay.

Duulaankii lagu beegsaday xeradan aadka loo ilaaliyo ayna ka duulaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa qabsaday ciwaanada warbaahinta gudaha iyo caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM