XOG: Xasan Sheekh oo ku wajahan Muqdisho iyo mucaaradka oo Isbaheysi ku dhawaaqaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo ay dadaaladaan wadaan xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah villa Soomaaliya.

Soo laabashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanayaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xildhibanaada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ah ee ka tirsan xisbiyada Daljir iyo Qabyo ku dhawaaqayaan isbaheysi ay ku mideysan yihiin.

Dadaalada lagu mideynayo xisbiyadaan ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa bilihii ugu dambeeyay ay ka socdeen Turkiga, Kenya iyo Muqdisho iyadoo qaar ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka diideen iney ka mid noqdaan isbaheysigaan.

Xildhibaanada ka tirsan Barlamanka ee ka tirsan xisbiga Qabyo ayaa horey intooda badan waxay uga tirsanaan jireen dowladii uu Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa halka kuwo Daljir aysan siyaasad ahaan ka fogeyn.

Isbaheysigaan ayaa sida Warsidaha GO fahansan yahay waxaa ay Guddoomiye u magacabayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo isagu ah xildhibaan ka tirsan aqalka hoose Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xisbiyada siyaasada ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo siyaasiyiin mucaarad ah sameysteen kuwaasoo aan intooda badan ka jirin dalka Soomaaliya intiisa kale.

Dhinaca kale, Ra'iisul wasaare Khayre ayaa magacaabey guddi ka qayb qaata soo dhoweynta Madaxaweynihii hore ee Somaaliya magaalada Muqdisho ee maanta iyadoo talaabadaan u muuqato mid dowladu kaga hortageyso dhaqdhaqaaqyada xooga badan oo ay wadaan mucaaradka.

Madaxweyne Famaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa labo jeer ku kulmay wadanka turkiga iyadoo kulamadaas diirada saarayeen sidii Dowlada Federaalka ugu qancin laheyd Xasan Sheekh in taalabadaas ka baaqasado balse aysan dhicin.

Xasan Sheekh ayaa farmaajo hordhigey in mucaaradka dalbanayaan in xilka Ra'isal wasaaraha Soomaaliya la siiyo taasoo ay ka biyo diideen kooxaha siyaasada ee ku sugan Villa Soomaaliya.

Imaanshaha Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmeysa xilli Madaxweynaha dowlada Soomaaliya booqasho ugu amabaxay maalintii shaley wadanka China halkaas oo kulan ugu furmayo wadankaas iyo dalalka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM