Xubno Al-Shabaab ah iyo hub ay siteen oo gacanta lagu soo dhigay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay laba dagaalame oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda ayaa lagu xusay in shaqsiyaadkan lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen ciidamadda xoogga iyo kuwa Daraawsiishta maamulkaas.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, howlgalka wadajirka ah oo la qaadey Isniinta maanta ah ayaa wuxuu ka dhacay meel tuuladda Awdiile ee hoostagta gobolka Baay u jirta qiyaastii 25 kilomitir [KM].

Sawirro laga soo qaadey ayaa muujinaya in xubnahaan oo ku lebisan macawiis iyo shaati ay yihiin rag waa-weyn ayna wateen qoryo AK 47 ah.

"Howlgalo ay sameyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta KGS ee ku sugan deegaanka Awdiinle ayaa waxay ku soo dileen laba dagaalyahano oo ka tirsanaa ururka nabad diidka Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa meel Awdiinle u jirta 25 KM, iyadoona laba kamid ah nolol lagu soo qabtey waxaana la keeney deegaanka Awdiinle iyaga iyo hubkii ay siteenba," ayaa lagu yiri warka qoraalka ee wasaaradda amniga oo ahaa mid kooban.

Saraakiil ka tirsan ciidanka oo tibaaxay in aysan wax iska caabin ah sameynin ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in labadooda ay su'aallo weydiin doonan isla markaana maxkamad lasoo taagi doono.

Degaanada Koonfur Galbeed waxaa ku badan soo qabashada shaqsiyaadka lala xiriiriyo Al-Shabaab, waxaase hooseysa maxkamadeyntooda, waxaana ugu wacan in ay gabaad ka helaan saraakiisha ku heebta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daraasad Amni: Muqdisho waxay halis ugu jirtaa in ay gasho gacanta Al-Shabaab

Bishii Oktoobar 2025, koox is-miidaamin ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerartay xarunta Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    26-11-2025

  • 09:10AM

Al-Shabaab iyo Kaarka NIRA

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu door muhiim ah ka ciyaarayo xaqiijinta amniga.

  • Soomaliya

    26-11-2025

  • 07:48AM