Xukun adag oo lagu riday Ninkii dilalka u duubi jiray Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun Xabsi daa’in ah ku riday Jaamac Xuseen Xasan Nuuni, oo lagu helay dembi ah inuu ahaa filim qaadihii kooxda Daacish.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo shaaciyay in Nuuni uu qirtay Dambiyadii lagu soo oogay.

Wuxuu xusay Shuute in Eedaysanaha sidoo kale lagu soo oogay Dambi ah inuu xubin buuxda ka ahaa kooxda Daacish, gaara ahaan Faraca Soomaaliya oo degaanadda Puntland ay ku leh Saldhigyo, uuna kasoo howlgalay meelo badan oo dalka kamid ah.

“Kadib markii maxkamaddu u cadaatay Dambiga lagu soo eeeyay Dambiilaha, oo ay eegtay dooda dacwad oogayaasha, iyo xafiiska xeer-illaalinta waxay ku xukuntay Jaamac Xabsi daa’in,” ayuu yiri Shuute.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabsida ee Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in cidii aan ku qanacsaneen xukunka uu ufuran yahay inay Racfaan ay ka qaataan inta aanan loo gudbin Jaamac Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo Maxkamadda ciidamada Qalabsida ee Soomaaliya oo xukun ay ku riddo shaqsi loo haysto inuu ka tirsan yahay Daacish inta la ogyahay, inkasta oo horey ay uxukumi jirtay Dad ku eedaysan Al-Shabaabnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM