Aragtiyaha is-diidan ee xukuumada iyo mucaaradka ka haystaan amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Todobaadyadii ugu dambeeyay ka hadalka amniga Soomaaliya ayaa aad u sareysay, waxayna ka dambeysay markii ay is-biirsadeen dhacdooyin horleh.

Dhacdooyinka waxaa kamid ah, ciidamo qaar ay soo faarujiyeen saldhigyadooda, iyaga oo ka cabanaya mushahar iyo iidaan la’aan haysata muddo ka badan Lix bilood.

Intaasi waxaa dheer in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ka dhaceen weerar u badan qaraxyo kuwaasi oo lagu khaarijiyay dad u badan shacab.

Dooda ku saabsan amaanka oo ay warbaahinta gudaha iyo tan caalamka ay si wayn u falanqeynayaan ayaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan.

Xukuumada ayaa ku doodeysa in loo baahan yahay in aan "amniga la siyaasadeen" ayna tahay mas'uuliyad wadareed qofka kasta door ay ku leeyahay.

Shacabka iyo dadka ka aragtiga duwan ayay ka dalbatay in ay garab ku siiyaan sidii ay usoo afjari lahayd dagaalka daba dheeraaday ee kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Balse dad naqdiya maamulka haatan jira ayaa aaminsan in aragtida ah in amniga aan la siyaasadeen ay tahay "mid gebi ahaanba khalad ah."

Xubnaha dhaliilsan dowlada Farmaajo ayaa sheegaya in siyaasad xumo iyo qorshe cad oo aan jirin awgeed ay dhalisay in nabad-gelyada faraha ka baxdo.

Shaqsiyaadkaan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin xilal kasoo qabtay xukuumada hadda jirta ayaa rumeysan aragtida ah "Siyaasadu waa beerka amaanka".

Sidda laga soo xigtay qiimayn lagu sameeyay hogaanka Farmaajo labada sano ee uu xafiiska joogo, amniga ayaa gaarey meel ka liidata halka uu marayay markii xafiiska la wareegayey.

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasada oo qiimayntaasi isku daba riday ayaa shaaciyay in Madaxwayne Farmaajo uu haysto fursado uu wax kaga qaban karo sida ay haatan wax yihiin.

Dib u hagaajinta Gollaha Amniga Qaranka ayaa lagu sheegay in ay tahay sirta guul ay xukuumada Farmajo ka gaarto Al-Shabaab inta uga hartay mudada xileedka.

Shalay ayay ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab ku ekeysay dhismo ay degan yihiin wasaarado, halkaasoo lagu khaarijiyay in ka baan 15 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM