Xukuumada oo shaacisay maalinta ay qabsoomeyso doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo war cusub kasoo saartay doorashadda Jubbaland ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay sida rasmiga ah u qabsoomeyso doorashada Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka bisha June uuna arkay Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in caddeynta ay dhaceyso 4-ta bisha July ee 2019 kuna beegan maalin Talaado ah.

"Waxaan ku boorineynaa dowlad goboleedka Galmudug iyo bulshadda in ay ka qeybgalaan doorashadda," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu ku saxiixan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Warkan qoraalka ah ayaa imaanayaa saacado kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geele [Xaaf] uu shaaciyey in uu aqbalay dalabkii xukuumada ee doorashada kadib markii uu la heshiiyey.

Xaaf ayaa sidoo kale ic-laamiyey in uu burburay heshiiskii midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug si lamid ahna go’aan laga gaarayo astaanta iyo dastuurka uu haatan leeyahay maamulkani.

Balse illaa iyo haatan Xaaf kama uusan jawaabin waqtiga ay wasaaradu shaacisay in ay doorashadda qabsoomeyso.

Arrimahaan oo dhan waxay dhacayaan ka gedaal markii wasiirka arrimaha gudaha federaalka uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa Dhuusamareeb oo ay ka taagneen xaalad cakiran oo mudo-xileedka Xaaf ku aadan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM