Xukuumada oo shuruudo horleh kusoo rogtay doorashada Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay qodobo culus oo horleh kusoo dartay habraaca doorashadda maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay in ay waajib tahay in ay iyaddu meel-mariso odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda cusub.

Geedi u socodka soo xulashada ergada dooran doonta mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa waxay ka bilaabatay degaanada maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in ay ay muhiim tahay in madasha ay ka qabsoomeyso cod-bixinta ay noqoto laba goobood oo ay wasaaradu cayintay.

Baraha ay xukuumaddu farta ku fiiqdey ayaa waxay kala yihiin; Akadeemiyada Booliska ee xarun goboleedka Jubbada Hoose ama Xarunta Qaramada Midoobay ee Kismaayo.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili guddiga doorashada Jubbaland uu todobaadkii hore muddeeyay in coddeynta ay dhaceyso 24-ka Agoosto uuna soo saarey jadwalka. [Halkan ka akhriso]

Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid aad isha loogu hayo, maadaama uu jiro kala aragti duwanaanshiyo u dhaxeeya hogaanka maamulkaasi iyo Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii ayaa doonaya in dib loo doorto xili Madaxtooyada ay raadineyso in ay bedasho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM