Xukuumada Soomaaliya oo ka warbixisay xaaladda Eng Yariisow

Image

DOOXA, Qadar – Maalmo kadib markii la dhigay isbitaal ku yaala magaaladda Dooxa, xarunta dalka Qadar, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa kamid ahaa tobanaan ruux oo ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta Dowladda Hoose, kaasi oo lagu khaarijiyey tobban qof oo ay mas’uuliyiin ku jiraan.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Soomaaliya oo wafdiga dowladda ee dhaawacyadda la socda kamid ah ayaa waxay sheegtay in xaaladda dhaawaca ee Eng Yariisow "ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore".

Khadiija Maxamed Diiriye oo qirtay in ay jiraan dhaawacyo xaaladoodu ay tahay mid liidata ayaa waxay u rajeyneysaa bukaanadda uu kamid yahay Duqa magaala madaxda dalka "soo kabasho degdeg ah".

"Qof walba oo naga mid yahay geeri ayuu sugayaa, qofaad jeceshahay ama ruux kale. Balse, waxaan u rajeynaynaa caafimaad degdeg ah," ayay ku tiri fariin muuqaal ah oo ay baraha bulshadda soo dhigtay.

Dhinaca kale, xubno kamid ah ehelka Eng Yariisow ayaa waxay kula sugan yihiin Isbitaalka lagula tacaalayo sidii loo badbaadin lahaa noloshiisa.

Cabdiraxmaan oo laba qaliin lagu sameeyay kahor inta aanan Muqdisho laga duulin ayaa la sheegay in ay waxyeelo kasoo gaareen qaybaha sarre ee jirkiisa gaar ahaan qoorta iyo caloosha.

Guddiga loo xil-saarey taakuleynta dadkii wax ku noqday weerarkan ayaa laamaha amaanka ka codsaday in ay soo dedejiyaan natiijada baaritaanka, isla markaana talaabo laga qaado cid walba oo ku lug-yeelata.

Warbixin horumar ah oo laga helay hay’addaha nabad-gelyadda waxay sheegayaan in is-miidaayaha ay ahayd haweenay aragga la' taasi oo kamid ahayd shaqalaha xafiiska gudoomiye Eng Yariisow.

Qaraxaan ayaa dhaliyey su'aalo ay kamid yihiin suurtogalnimadda in la fududeeyay, in ay ku lug-lahaayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo kuwa kale oo laga dhowr-sugayo jawaabahooda hay’adda ku shaqada leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM