Xukuumadda oo soo faragelisay baarista shaqaaqadii Xabsiga Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa Talaadada maanta ah wuxuu magacaabay Guddi baaraya weerarkii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Guddigaan leyliga adag uu horyaalo ayaa ka kooban shan xubnood oo midkood uu yahay wasiir, halka inta kale ay kamid yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamadda qalabka sidda iyo xeer-ilaalinta waddanka.

Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka ah oo kamid ah shanta xubnood ayaa hogaamin doona guddigaan oo laga doonaya in ay ka jawaabaan su'aallaha ku geedaaman dhacdadaas.

Xubnahaas ayaa kala ah; Xasan Xuseen Xaaji,​ Wasiirka Cadaaladda -​ Guddoomiye, Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Qaranka​, Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​, Mahad C/raxmaan Aadan, ​Taliyaha Asluubta​, C/llaahi Buulle Kameey​, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada​, iyo Guuleed Xuseen Aadan,​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada.

Mr Khadar ayaa digreetadda wuxuu kusoo bandhigay afar qodob oo laga doonaya in ay warbixin kasoo gudbiyaan guddigaan, wallow aysan jirin waqti cayiman oo loo qabtay maadaama kiisaska uu yahay mid culus.

Afarta qodob ayaa kala ah;

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

Tobban qof oo ay ku jiraan askar ayaa ku dhimatay toogashadda jeelka ugu weyn Muqdisho, taasoo ka dhalatay hub loo dusiyey maxaabiis Al-Shabaab ah oo afar kamid ah la dilay, laba la qabtay, iyo mid kale oo baxsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM