Xukuumadda Somalia oo ka hadashay sababta dalka uga eriday Ergeyga QM [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aanka ay dowladdu ka qaadatay Ergayga qaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan dalka, Nicholas Haysom.

War-saxaafadeed culus oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu xusay in Haysom aanan laga rabin dalka, islamarkaana uusan kasii shaqayn karin, isaga oo metalaya UN-ka.

Bayaanka ayaa ku eedeeyay Haysom inuu si cad ufarageliyay madax-banaanida Soomaaliya, uuna hareer-maray nidaamka Diblomaasiyadeed iyo Hab-maamuusha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in marka lasoo koobo go’aanka DF uu yahay in Haysom uu gabi ahaanba dalka isaga baxo, "waliba sidda ugu dhaqsiyaha," ayuu yiri.

"Qaladaad fara badan ayuu galay, oo ay kamid tahay inuu qaatay go’aano isaga oo aanan latashi la sameynin dowladda, oo ay ugu dambeysay qoraalkii uu udiray wasaarada amniga,” ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku aadan in maadaama xafiiska UN-ka ee dalka uu ka madax banaan yahay Madaxtooyadda uu gaari karo go’aan ayuu hoosta ka xariiqay inay muhiim ay tahay in talaabo kasta ay la socoto xukuumada.

"Wuxuu isku qaatay inuu isaga yahay maamulaha dalka,” ayuu xusay wasiirka, oo hadalkiisa raaciyay "Waa inuu dalka isaga baxaa sida ugu dhaqsiyaha badan, iyo inta uu ka uruur-san karo agabkiisa, mar hadii aanan dalka laga rabin.

Ugu dambeyntii, wasiirka oo la waydiiyay sida ay dowladu umaareyn karto mowjadaha khilaafka ee kaga furan maamulada iyo midkaan cusub ayuu tilmaamay in is-marin-waaga gudaha ay xalkeeda u taalo dadka Soomaaliyeed.

"Haysom wuxuu ceyb ku yahay Qaramada Midoobay..aniga waan garanayaa dhaqanka, waan lasoo shaqeeyay, sidaasi darteeda, hadana waxaan ahay wasiirka arrimaha dibadda," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiir Cawad.

Fallanqeeyayaasha arrimaha diblumaasiyada ayaa qaba inay Soomaaliya xaq u leedahay inay ceyriso wakiilka UN-ka, balse, waxay qabaan in loo baahnaa inay xukuumada umarto si waafaqsan nidaamka diblumaasiyadeed ee caalamka.

"Maadaama uu Xoghayaha guud ee QM soo magacaabay waxay ahayd inay isaga ugudbiso, una bandhigto caddeymaha kadibna ka dalbato inuu la laabto ergaygiisa," ayuu yiri Taxliiliye uwaramay warsidaha GO.

Nicholas Haysom oo ahaa uqaabilsanihii 5aad oo ay QM usoo dirto Soomaaliya ayaa xafiiska jooga kaliya afar bilood, maadaama lasoo magacaabay bishii September sanadkii hore, isaga oo bedalay Micheal Keating.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM