Xukuumadda Soomaaliya oo ayiday baaq kasoo yeeray Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ka dhawaajiyay mowqifka Villa Soomaaliya xili uu ka warbixiyey kulan uu la yeeshay dhigiisa Kenya oo shalay ka dhacay Nairobi.

"Dowladda Kenya, iyagu way og-yihiin khilaafka waxa ka mas'uulka ah annaguna waan ognahay, waxaan kala hadalnay siddii looga dheeraan lahaa faragelin uu derisku isku sameeyo, deris wanaag iyo iskaashi looga wadashaqeyn lahaa oo aan loo abuurin colaad aan loo baaheyn," ayuu u sheegay VOA-da.

Cawad ayaa "maya" ku adkeystay markii la hor-dhigay su'aal ku saabsan in kulankii uu la yeeshay dhigiisa Kenya lagu soo qaadey arrinta Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland.

"Waxba kama jiraan," ayuu ku warceliyey markii la su'aalay eedeynta sheegeysa in xukuumadiisa ay ciidamaddii loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab u weecisay in ay kula dirirto maamulada.

Isagoo difaacaya aragtida dowladda Farmaajo ayuu raaciyey: "Soomaaliya ciidamadeedu looma sameyn in ay dadka Soomaaliyeed la dagaalamaan, waxaa loo sameeyay in ay xuduudka ilaaliyaan".

"Jubaland waxay kamid tahay Soomaaliya si xoriyad ah bey u dagaalami karaan…Jubaland iyo Soomaaliya waa [hal] dal iyo dad Soomaaliyeed oo is-leh weye…wixii Soomaali dhexdeeda soo mara Soomaali bey u taalaa," ayuu xusay.

Mar wax laga waydiiyey baaqii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ahaa in miiska wadahadalka la isugu yimaado, wasiir Cawad ayaa soo dhaweeyay hadalkaas.

"Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo madaxda Soomaaliyeed waxay arkaan in dadka Soomaaliyeed iyagu isfahmaan, ka tashadaan siddii qaranimadooda u dhisan lahaayeen ama u xoojin lahaayeen…marka in dadka Soomaaliyeed wadahadalo oo isu soo dhowaado waa mas'uuliyadda ugu weyn ee u taala madaxda qaranka Soomaaliyeed ee hadda joogta," ayuu tibaaxay, wallow uu ka gaabsaday in adeegsado magaca Jubaland.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya ka bixi doonan 48-ka saacadood ee soo aadan, isagoo tilmaamay in ay ku joogaan "ogolaanshiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM