Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay wada hadaladda Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiradii ay todobadkan dowladda federaalka u dirtay Boosaaso si ay wada hadalo ula yeeshaan hogaanka Puntland ayaa Arbacadii dib ugu laabtay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Dhinacyadda Villa Soomaaliya ka socday ayaa waxaa kamid ahaa; Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga, Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Qorsheynta, iyo Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda.

Cawad oo wafdiga horkacayay ayaa wuxuu war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, wuxuuna mid-mid u dul istaagay qodobada ay isla soo qaadeen.

Wada hadaladda ay la yeesheen hogaanka Puntland ayaa waxay qaateen muddo ku suntay Sideed sacadood. Ajendeyaasha ugu waaweyn ayaa kala ahaa; Isu soo dhowaanshiyaha labada dhinac iyo doorashada Jubbaland.

"Socdaalkeena ujeedadiisu wuxuu ahaa in aan la kulano madaxweyne Deni iyo maamulkiisa, oo aan ka shaqeyno sidii la isugu soo dhowaan lahaa. Arrintaas annaga waxaan filaynaa in aan guul fiican kasoo gaarnay. Madaxweyne Deni aad buu u soo dhaweeyay arrintaasi," ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wafdigan oo degaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa waxaa la filayaa in ay madaxda dalka warbixin ka siiyaan maxsuulka isku daygooda iyo safarkooda.

"Wuxuu noo balanqaadey [Deni] in uu aad uga shaqeyn doono isu soo dhowaanshiyaha, yareynta khilaafka iyo abuurida kalsooni dhexmarta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Somaaliya," ayuu ku daray.

– Doorashadda Jubbaland –

Illo wareedyo ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in madaxweyne Deni uu kasoo horjeestay dalab ay wateen wafdiga oo ahaa in uu ka baaqdo xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ka qabsoonto Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland. Xafladda oo loo qorsheeyay 26-kii September ayaa u baaqatay xayiraadii socdaalka dowladda.

Xukuumadda Muqdisho ayaa gebi ahaanba waxay qaadey go'doomintaas kadib cadaadis kaga yimid madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidda uu fahansan yahay mareega GO.

"Waxaa iyaduna sheekadu soo gashay doorashadda Jubbaland, arrintaas waa ku kala duwaneyn annaga iyo madaxda Puntland. Annaga mowqifkeena waxaa waaye mowiqfka xukuumadda, kaasoo aad wada og-tihiin," ayuu xusay Cawad.

Villa Soomaaliya ayaa qaadacday guusha Axmed Madoobe, halka Puntland iyo xisibiyo taageeray ay ku eedeeyeen dowladda federaalka "farogelin aan sharci ahayn iyo awood sheegasho aan dastuuri ahayn".

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu u socdaalo Kismaayo, xarunta gobolka Jubadda Hoose, si uu kaga qeybgalo munaasabadda caleema saarka oo madax kala duwan lagu casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM