Yaa looga adkaaday wadaxaajoodyada doorashada Soomaaliya ee 2020-21?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Heshiis siyaasadeed oo bud-dhig u ahaa qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa ugu dambeyntii lagu gaarey caasimadda Muqdisho kadib wada-xaajoodyo muddo shan maalmood qaatay.

Xilli ay tahay talaabo dhanka san loo qaadey, dhaqan-gelinta oo Beesha Caalamka ay ka tahay damaanad-qaade iyo meelmarinta baarlamaanka federaalka oo lagu guntay go'aanadii wadahadaladda magaala madaxda ayaa kaliya harsan.

Ansixinta kadib, fulinta oo la isku raacay in ay bilaabato 1-da November ayaa xigeysa iyadoo dowlada iyo maamulada ay soo magacaabayaan guddi maamulaya doorashada ay coddeynayaa 101 ergo kana dhaceysa laba degaan doorasho.

Mudaneyaasha Baarlamaanka 11aad ayaa lagu soo dooran doonaa laba magaalo oo kamid ah maamulada, waxaana kadib ay caasimada Muqdisho ku dooran doonan madaxweyne kahor inta aysan xulan guddoonkooda rasmiga.

Sidda muuqata inta badan talaabooyinka baaqiga ah waa kuwa farsamo, kuwaas oo ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonan dowladda iyo maamulada.

Wada ogol iyo wadashaqeyn lagu wajaho coddeynta soo aadan ayaa kamid ahaa qodobada kaliya ee caqabada ku ahaa gaarista heshiiskan, waxaana mar walba ka caga-jiidaya madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ahna murashax.

Qodobada ugu weyn ee Farmaajo ka xiiseynayey max-suulka wadahadalka waa; in lagu galo hanaanka xisbiyada, guddiga doorashooyinka qaranka oo maamulka qaata, qof iyo cod ay dheereysi ku hoos dadneyd, tirada ergada soo xuleysa Xildhibaanadda oo laga dhigo 301 iyo in doorashada dhacdo hal maalin.

Damacan ku rixnaa riyada Farmaajo ee dib-u-doorashada ama dhaxal-fiican reebida ayaa u muuqda mid kusoo gabagaboobay shirkii Muqdisho markii maamulada qaar ay aakhiritaankii ku mayal-adeegeen in meesha laga saaro qodobadaas.

Maamulada ay ugu horeeyaan Puntland iyo Jubaland ayaa ku adkeystay in gudiga doorashada qaranka meesha laga saaro, tirada ergada laga dhigo 101, xisbiyo la'aan, laba degaan doorasho iyo asteynta bilowga shaqada doorashada.

War-murtiyeedka shirka Muqdisho oo ay ku jiraan inta badan dalabyadii maamulada ayaa sawir guud ka bixinaya cidda afka ciida loogu daray shirka. Hase ahaatee, lama ogga hadii tanaasul ka yahay ama tabartu halkaas dhigtay.

Hadii ay tanaasul tahay iyo hadii kalaba, dadka naqdinaya guuldareystaha ama guuldareysteyaasha, ayaa ku duraya sababta uu dalka waqtiga uga lumiyey.

Walaaca kaliya ee haatan jira wuxuu ku xeeran yahay qodobka ku jira go'aanada cusub ee dhigaya in baarlamaanka uu meelmarinayo heshiiska, waxaana shaki laga qabaa in Villa Soomaaliya uga faa'iideysato diidida heshiiska siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM