Baarlamaanka Somaliland ka hadlay go'aankii Gollaha Shacabka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gollaha Wakiiladda maamulka Somaliland ayaa maanta fadhi ka yeeshay go'aankii shalay ay soo saareen Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo dalka looga mamnuucayo DP World.

Fadhiga oo uu shir gudoomiyay gudoomiyaha gollaha Wakiiladda, Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu sheegay in go'aanadii kasoo baxay shalay gollaha Shacabka uusan khuseynin Somaliland.

Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda ayaa taageeray maalgashiga Khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland si loo kobciyo dhaqaalaha maamulkaasi, iyagoo dhanka kale sheegay in cid walba oo arintaasi kasoo horjeysata u arkayaan inay tahay cadowga Somaliland.

Waxuu Gollahu baaq u diray QM, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, IGAD iyahoo shaaciyay in dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ay keeni karaan xasilooni darri gobolka Geeska Africa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Wareysi uu bixiyay Todobaadkan ku sheegay in Heshiiska Berbera uusan waxba ka bedeleynin go'aanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliyaa ayaa la filayaa inay dood ka yeeshaan qaraarka kasoo baxay Gollaha Shacabka, kaasi oo ka dambeeyay hadalii Ra'iisul Wasaare Khayre uu sharci darrada ugu tilmaamay Heshiiska Berbera.

Arinta heshiiska Berbera ayaa sababtay kala fogaansho iyo Khilaaf horleh oo soo kala dhexgalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu burburay wadahadallo la filayay inay bishan ku yeeshaan dalka Jabuuti Muuse Biixi iyo Farmaajo.

Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday maalmo kahor inay mudo hal bil ah dib u dhigeen wadahadallada dowladda Soomaaliya. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM