​Bannaanbax ka dhacay magaalada Berbera

Image

BERBERA, Somaliland- Mudaharaad looga soo horjeedo xukun dil ah oo dhawaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Somaliland ku  fuliyey 8qof oo loogu ee deeyey iney ka danbeyeen qur-gooyadii taliyihii ciidanka booliska ee goblka Saaxil ayaa ka dhaceyday magaalada Barbara.

Mudaharaadayaasha ayaa ka cabanayey qaabka maxkamaddu u cadlisay kiiska raggaas, iyagoo bartamaha magalada  ku gubay taayiro islamarkaana xiray wadooyin muhiim u ahaa isu socodka bulshada.

Ma jiraan dhimasha iyo dhaaawac ka dhashay rabshado ay sameeyeen dadka isku soo baxey.

Dhinaca kale waxaa shaley magaaalda Shiikh ee isla gobolkaasi ka dhacay cabashooyin looga soo horjeeday xukunka Siddeedaasi qof.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa safar ku tagey magaalada Berbara, iyadoo aysan jirin faah faahin rasmi ah oo ku saabsan ujeedka socdaalkiisa.

Siilaanyo kama uusan hadlin xaalada ka tagan gobolka sidoo kalena lama oga inuu kulamo laqaatey waxgaradka iyo odayaasha gobolka degmadaasi.

Sannadkii u dambeeyey waxaa laga dareemey Berbera iyo guud ahaan gobolka is fahan waa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo xakuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM