Barlamanka oo taageeray wax kabadalka xeerka diiwaangalinta Somaliland

Image

HARGEYSA- MudanayaashaAqalka  wakiillada Somaliland, ayaa meel mariyey wax-ka-beddel uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka maamulkaasi.

Fadhi xubnuhu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa oo ay soo xaadireen 58-mudane ayaa 55- kamid ahi gacanta u taageen in la meelmariyo wax-ka-beddelkaas, waxana diiday 1-mudane, halka 3-kale ka aamuseen.

Wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha  ayaa ka dhashay  dib udhigis lagu sameeyey diiwaangelinta codbixiyayaasha oo gobollada qaarkood  aan wali laga qabanin, iyadoo sababtuna ahayd abaaro xooggan oo meelo Somaliland kamid ah ku dhuftay.

Meelaha xeerkan kamid ah ee uu madaxweynuhu wax ka beddelay, mudanayaashuna ku raaceen, waxaa kamid ah; qoddobo horey u qeexayey in  diiwaangelinta codbixiyayaasha lasoo afmeero  lix bilood ka hor inta aanay bilaabin doorashooyinka madaxweynenimada iyo midda wakiillada  ee qorshaysan sanadka soo socota, waxana haatan loo beddelay in diiwaangelinta la dhammeeyo lix bilood gudahood inta aanay doorashooyinku qabsoomin.

Ansixinta xeerkan waxa kabadalay diiwaangalinta doorashooyinka Somaliland, ayaa meesha ka saaraysa walwal salka ku hayey in doorashooyinka madaxweynenimada iyo midda wakiillada ee qorshaysan dib u dhici karaan, maadaama ay jirto qabyo xagga xeerka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM