Beelaha kasoo jeeda gobolada Somaliland oo diidey doorashada 2016 [ AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal loogu magac darey mowqifka Saami qaybsiga aqalka sare gobolada woqooyiga Somalia ayaa lagu sheegey in beelaha daga deganadaas aysan ka qayb galeen doorashada dadban ee Somalia hadii aan wax laga badalin go'aankii ugu dambeeyey ee madasha madaxda Somaliyeed.

Qoraalkaan oo ay ku saxiixnaayeen 20 odey dhaqameed, 5 Wasiir oo ka tirsan xukuumada Federalka ah ee KMG ah iyo Ra'isal wasaare ku xigeenka ayaa lagu sheegey in hab qaybsiga aqalka sare ee Somalia yahay mid aan cadaalad ku dhisneyn.

Xogta qoraalkaan xambaarsan yahay ayaa sheegeysa in hab qaybsigaan uusan caddaalad ku dhisneyn madaama maamulka Puntland oo ka kooban 2 gobol iyo Bar aqalka sare ka  heley 11 xubnood halka gobolada Woqooyi ee Somalia oo Shan gobol ah leeyihiin 11 xubnood.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegey in cabasho ka gudbiyeen arinkaan kulankii ugu dambeeyey ee 9 September lagu qabtey magalaada Muqdishu balse madaxda madasha aysan dhag jalaq u siin.

Kulankii ugu dambeeyey ee madasha madaxda Somalida ayaa lagu go'aamiyey in hab qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ah dib loogu noqdo sida ku qoran Daatuurka Federalaka 2012 kasoo ah 54 Xildhibaan halka shaxdu ahaaneyso heshiiskii lagu gaarey magaalada Kismayo. Heshiiskaan ayaa sheegayey in maamulada Somalia ee dhisan xubnaha aqalka sare u kala helayaan mid 8 xubnood halka maamulka Puntland iyo Somaliland qaadanayaan 11 xubnood midkiiba.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA BEELAHAN SOO SAAREEN: waraaq1_signed.pdf  waraaqda 2aad_signed.pdf

GAROWEONLINER 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM