Biixi oo ayidday ahmiyada nabadda xili ay SL wajaheyso colaad beeleedyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidriga oo ku beegan maanta oo ay bisha Shuwaal curatay, sannadka 1440-ka taariikhda Hijriyada.

Biixi oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maamulka gobolka, ayaa kumannaan kamid ah shacabka caasimadda ku dhaqan kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Hogaamiyaha ayaa khudbaddiisa si gaar ah diiradda ugu saaray dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda yaalla ee ay kamidka yihiin dagaallo-beeleeddada soo noqnoqda, shilalka gaadiidka iyo cunista qaadka oo mushkilad weyn ku ah horumarka nololeed ee bulshada iyo ta qarankaba, waxana uu uga digay inay ka waantoobaan dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha waxa uu bulshada xasuusiyey qiimaha ay nabaddu leedahay, isaga oo usoo jeediyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii loosoo qaban lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa cid kasta oo dil ula kac ah u geysata qof kale oo muslim ah.

"Waxaynu isku dardaaraynaa oo naftu u baahan tahay waa nabad, nabadduna sidii Ilaahay yidhi waxa kow ka ah in qofka naf islaam ah ku dila gardarro iyo badheedh in dambiilaha lasoo qabto oo la isugu tago oo wixii Ilaahay xukunkiisa u qoondeeyey la mariyo, waxaynnu isku dardaaraynaa dhammaanteen in qofkii qof ku dila camdi iyo kibir inaynnu gacan kusoo wada qabanno oo wixii kitaabkaa Ilaahay inoo soo dejiyey uu ku xukumay aynnu marinno," ayuu yiri.

Hadalka madaxweynaha wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qeybo kamid ah degaanadda Somaliland ay ka jiraan colaad beeleedyo kuwaasoo galaaftay nolosha dad badan.

Maamulka Biixi ayaa lagu dhaliilay in uu ku guuldareystay qaboojinta xiisadahaasi jira iyadda oo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay in ay la kala safteen dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM