Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyay wakiilada Somaliland ee caalamka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Arbacadda maanta ah, wuxuu xilka ka qaadey sagaal mas'uul, isla markaana magacaabay bedelkooda.

Hoos ka akhriso digreetada


Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka "Qaran".

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska.

2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.

3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.

4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.

5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika.

6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka.

7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya.

8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman.

9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya


"Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadda oo nuqulo kamid ah uu helay Garowe Online.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka ah.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM