Muuse Biixi oo ka hadlay go’aankii dowlada Soomaaliya ee Guinea

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Axad ah wuxuu dib ugu laabtey Hargeysa, xarunta maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland kadib safar dhowr casho qaatey.

Biixi oo meel fagaaro ah kula hadlay dad loo diyaariyey soo dhaweyntiisa ayaa wuxuu soo hadal-qaadey go’aankii ay xukuumada federaalka ah xiriirka ugu jartey dalka Guinea oo uu isagu socdaal ku tegay.

Hogaamiyaha maamulka Hargeysa ayaa soo u dhigay talaabadaasi, isaga oo xusay in maalmaha soo aadan uu socdaal ku ku tegayo wadamo kale, isla markaana ay sii wadayaan olalahooda ictiraaf raadinta.

Khamiistii ayey ahayd markii Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, uu ku dhawaaqey go’aanka cilaaqaadka loogu gooyey dalkaasi Galbeedka qaarada Afrika ku yaala.

Mr Cawad ayaa ku eedeeyay waddankaasi in uu meel kaga dhacay madax banaanida, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed isaga oo dalal kale oo ku howlan arrintaasi digniin hawada u mariyey.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii balse caalamka wuxuu u arkaa maamul goboleed hoos-yimaada dowlada federaalka Soomaaliya oo wada hadallo kula jirtay.

Laba jeer oo mas’uuliyiinta dowlada iyo maamulka Somaliland ay ugu kulmeen Imaaraadka iyo Turkiga ma aysan kasoo bixin natiijo horseeda in ay sii socdaan wada xaajoodyadda oo muddo hakad ku jira.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa bishii hore qaadacdey fursad kale oo ay ku hor-fariisan lahayd wakiilo ka socda Hargeysa kadib shir lagu qaban-qaabiyey Kenya oo ay xurguf dhanka bada ah kala dhaxeysa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM