Biixi oo lagu eedeeyay kaliyetalisnimo xili ay Somaliland xuseyso 18-ka May

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyada Mucaaradda ayaa ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay ka muuqato nidaamka kaliyetalisnimada, taasi oo ay ku tartarsiiyeen "in uu si degdeg ah uga tanaasulo".

Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha xisbiga WADDANI, kaasi oo doorashadii ugu dambeysay kaalinta labaad galay, ayaa sheegay in hadii Muuse uu kusii socdo dhaqamada noocaasi ah "ay burbureyso Somaliland".

Hasayeeshee, Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID, oo aysan kala caddeyn siyaasadiisa ku aadan xukuumada haatan jirta, ayaa Jimcadii naqdiyay hadalka Cirro oo ku tilmaamay "mid kala qaybin abuuraya".

Mr Faysal, oo si aan gambasho lahayn qiray "kaliyetalisnimadda Biixi," ayaa wuxuu ku dhaliilay siyaasiyiin uu horkacayo Cirro in ay mar kasta fagaarayaasha ka sheegaan "hadalo qaran dumisnimo ah".

"Somaliland wadatashi bay halkaan kusoo gaartay. Biixi waxaanu leenahay 'annaa irri' socon meyso. Dadka kale ee oranaya Somaliland baa burbureyso, ma burbureyso Somaliland, idinkaa burburaya," ayuu ku daray.

Axsaabta ayaa aad ugu kala qayb-samay doorashadii ugu dambeysay ee Madaxtooyadda, taasi oo dhalisay in waqtigeeda ay ka dib dhacdo doorashada Goleyaasha xeer-dejinta iyo degaanka.

Hadalada kasoo yeeray Ururadan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xili Somaliland ay u dabaaldegayso sanad-guuradii 28aad ee kasoo wareegatay markii gooni isaga taagtay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Maamulkan oo madax banaani sheegta tan iyo 1991-dii ayaa wuxuusan wali helin aqoonsi caalami ah, wallow dadaalo kala duwan oo ay bixiyeen ay noqdaan kuwa natiijo la'aan kusoo idlaaday.

Xisbiyada iyo dadka dhaliilsan Muuse Biixi ayaa rajo xumo ka muujiyay in mudada ay jirto xukuumadan ay Somaliland ictiraaf hesho, iyaga oo qiil ka dhiganaya "siyaasada dabacsan ee ku aadan arrimaha dibadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM