Biixi oo shaaciyey mowqifkiisa dooda ka taagan xiritaanka Masaajida

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in maamulkiisa uu u qoondeeyay la dagaalanka fayruska Corona aduun lacageed gaaraya saddex milyan oo Doolar.

"Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaaladda Hargeysa.

Degaanada Somaliland waxaa laga xaqiijiyey lix kiis. Biixi wuxuu qiray in aysan ku amri karin dadweynaha in ay joogaan guriyahooda, sababo ku aadan in aysan damaanad qaadi karin nolol maalmeedkooda.

"Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado," ayuu xusay.

Sidda laga soo xigtay Biixi, ahmiyaddu maahan in la raaco tilmaamaha wadamada reer Galbeed ee xakameynta cudurka, balse waa in Soomaalida la timaado hab-feker cusub oo ay kaga gaashaantaan xanuunka.

"Innagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno," ayuu ku daray hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah.

Ganacsatadda ayuu ku booriyey in ay kaalintooda qaataan isla markaana aysan shacabka ku kordhin maciishada daruuriga ah sidda raashiinka.

"Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan," ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, mowqifkiisa ku aadan dooda ka taagan xiritaanka Masaajida ayuu ku sheegay in dadku ku tukadaan guriyahooda si looga badbaado caabuqa. Culimada Somaliland way kasoo qaadacay arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM