Biixi oo shaaciyey shardi ay Somaliland ku ogolaan karto midnimo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland diyaar uma ahan in uu la midoobo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya illaa iyo laga helayo Soomaali-weyn, sidda uu shaaciyey madaxwenaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Maamulkan gooni u goosadka ah ayaa 1991-dii iclaamiyay in uu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Biixi oo ka hadlay munaasabadda xuska 26-ka June taasoo lagu qabtay Hargeysa ayaa biyo qabow ku shubay rajo uu muujiyey madaxweyne Farmaajo oo ah in uu ku dhiiran doono in ay mar kale midoobaan waqooyi iyo koonfur.

"1-dii July, 1960-kii ayaan la midownay Soomaaliya si shuruud la'aan ah, shardiga kaliya oo aan ku xirnay waxay ahayd shantii Soomaali in leysla doonto, shantii Soomaali mid walba halkeeda ayay joogtaa, Somaliland-na halkeeda ayay joogtaa, gar waa loo is-laaqaa; waxa loo leeyahay Somaliland kaligeed la midooba waxa loo leeyahay garan maayo, shantii haddey isku imaanayaan, kamid beynu nahay, hadii kale nin walba halkiisa ayuu dowlad xor ah ku yahay, ninkii diidana isagaa daali," ayuu si cad ugu sheegay ka qeyb-galeyaasha xaflada.

Xuska 26-ka ayaa ku beegan 60-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobolada waqooyi ay calankoodii kala soo noqdeen Boqortooyadda Ingiriiska.

Afar maalmood kadib, 1-dii Julaayo ama 1-da Luulyo, waxaa midoobay Waqooyi iyo Koonfur oo isla taariikhdaas ka xoroobay gumeystihii Talyaaniga.

Farmaajo oo ka hadlay munaasabad kale oo loogu dabaaldegayey xuska 26-ka June kana dhacday Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ammaan kala dul-dhacay Biixi oo uu ku sifeeyay "waaya arag, geesi iyo siyaasi karti leh".

Labada hogaamiye ayaa 14-kii bishaan June, sanadka 2020 waxay kawada qeybgaleen shir ay Itoobiya soo qaban-qaabisay oo Jabuuti martigelisay kaasoo dib loogu bilaabay wadahadalka Dowladda dhexe iyo Somaliland.

"Annagoo ku kalsoon wadahadalkii aan soo galnay, waxaan rajeynayaa in aan horumarino oo aan horey u qaadno walaalkey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi; waa nin Soomaali ah, waa nin vision leh, waa nin aragti dheer leh, waa waaya arag ah muddo dheer soo jiray, wuu arkayaa in Somaliland aysan horey u socon karin, annaguna aan horey u socon karin intaan kala maqan nahay waa arkaa; geesi-nimadeeda iyo kartideeda waa leeyahay, wuuna bilaabay, waana rajeynaynaa Insha Allah hadii Ilaahey yiraahdo in aan xoojino haduu EBBE yiraahdo," ayuu Farmaajo u sheegay ka qeyb-galeyaasha.

Sikastaba ha ahaatee, dhawaqa ku saabsan "mar kale midnimo" ayaa ah hadalo ay madaxda iyo siyaasiyiinta labada dhinac ay fagaareyaasha ka sheegaan, balse u baahan in miiska wada-xaajoodka lagu gorfeeyo ficilna loo bedelo.

KHUDBADDA MUUSE BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM