Biixi oo u hanjabay dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu hanjabay qaar kamid ah dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee degaanada maamulkaas in ay xukuumadiisa la qaadeyso talaabo sharci ah.

Biixi oo wariyeyaasha kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa ku eedeeyay dugsiyadda in ay hareer-mareen talooyinka caafimaadka iyo kala fogaanshiyaha dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka.

Inkasta oo uusan magacaabin xarumo gaar ah, falka ay ku kaceen ayuu ku sheegay in ay ardayda isugu yeereen, iyagoo aanan haysan wax fasax ah.

"Qodob kale oo shalay dhacay oo qalad ah baa jira, tallaabo sharci ahna laga qaadayo, dugsiyadii gaarka loo lahaa qaar kamid ahi iyada oo aan wasaaraddii u oggolaan oo immika imtixaan la geli maayo oo dadka la isugu yeedhi maayo taagan tahay, ayey carruurtii isugu yeedheen oo yidhaahdeen imtixaan baad gelaysaan oo 60 (lixdan) carruur ah meel wada fadhiisiyeen, carruurta ma wax bay barayeen oo aqoon bay u dirayeen mise way laynayeen, dadka miyey aafaynayeen, caqliyaddaasi maxay tahay," ayuu yiri Biixi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xukuumadda Biixi ay durba dacwad ka gudbisay iskuuladaas isla markaana loo yeerayo maamuleyaashooda.

"Ardayda meel la isuguma keenayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, dadka meel laguma ururinayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, qofkii sidaas sameeyaana waxa uu lamid yahay ka qaadka la joojiyey keena oo kale ee sharciga jabiyey, qofkii sharciga jabiyana tallaabaa laga qaadayaa," ayuu xusay.

Degaanada Somaliland ayaa laga xaqiijiyey 40 xaaladood oo ah safmarka Coronavirus, shan dhimasho ah iyo saddex qof oo ka caafimaadey.

Dhanka kale, Biixi oo carabka ku adkeeyay in cudurka uu si xoogan ugu dhex-faafay bulshadda ayaa dadweynaha ku booriyey in ay dhaqan-geliyaan kala fogaashiyaha iyo talaabooyinka kale ee ka hortagga.

"Dhakhtarada hala maqlo danteenaa ku jirtee," ayuu Muuse Biixi hadalkiisa kusoo gabagabeeyay, isagoo ku waaniyey xirfadlayaasha caafimaadka in ay aqoontooda uga faa'iideeyaan dadka, shacabkana uu is-caawiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM