Ciidamada Somaliland oo dilay nin u dhashay Itoobiya [Akhri sababta]

Image

HARGEYSA - Toogashada Muwaadinkan Itoobiyaanka ah ee kasoo jeeda Qow-miyadda Oromada ayaa ka dhacay magaalada Xuduuda ku taala ee Tog-wajaale ee gobolka Gibiley oo katirsan Somaliland, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Ninkan oo la sheegay inuu ahaa Tah-riibe ayaa uu ku dhintay Rasaas ay fureen laamaha amaanka ee Somaliland, gaara ahaan kuwa ku sugan magaalada uu shilku ka dhacay, sida uu sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Cabdirashiid Axmed Xasan, Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigiisu yahay Tog-wajaale oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in muwaadinka u dhashay Itoobiya la toogtay kadib markii uu isku deyay inuu baxsado.

Wuxuu sheegay in ninkan uu kaligii baxsan rabay xili Booliska ay kor-tageen goob ay ku sugnaayeen Koox Tah-riibayaal Itoobiyan ahaa, kuwaasoo doonayey inay Doomo ay ka raacaan deeganada Xeebta ku teedsan ee maamulka Somaliland.

Taliyaha ayaa ka fogeeyay ciidanka Booliska ee Somaliland in dilkaan ay u geysteen si bareer ah, inkastoo lagu eedaynayo inay heli kareen qaab kale oo ay ninkaan kusoo qaban kareen oo ah inay Xabad nool ay ku ridaan.

Magaalada Tog-wajaale oo ku taala Xuduudka ay Somaliland la wadaagto Itoobiya ayaa waxaa ku nool Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo inta badan halkaas u yimaadaan inay uga usii gudbaan Jabuuti si ay uga Tah-riibaan.

Dilkaan loo geystay ninkan Oromada kasoo jeeda ayaa imaanaya xilli sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, Galbeedka magaalada Hargeysa lagu dilay Muwaadin Itoobiyaan ah, kaasoo isana kasoo jeeda Qow-miyada Oromada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM