Ciidamada Somaliland oo qabtey dablaydii dishay taliyaha

Image

HARGEYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in ciidamadeeda ammaanku gacanta kusoo dhigeen 8-nin oo kamid ahaa dablaydii dhawaan gobolka Saaxil ku dishay talihii ciidanka booliska ee deegannadaas xukumayey.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali  Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay markii ciidamadu soo qabteen kooxdan dilka taliyaha lagu eedaynayo, ayaa  sheegay in kooxdaas la go’doomiyey ka hor inta aan la qabanin, waxana uu intaas ku daray in 3-nin oo  dablaydaas kamid ahi gacanta ciidanka ka baxsadeen, isla-markaana lagu daba jiro.

Wasiirku waxa uu caddeeyey in kooxdan sharciga la horgeyn doono, maadama ay ku kaceen tallaabo khalkhal gelisay ammaanka gobollo badan oo dalka kamid ah oo ilaa haatan xaalladooda laga walwalsan yahay.

Soo qabashada kooxdan, ayaa si weyn loosoo dhaweeyey, maadaama maqnaanshahoodu horseedi karayey xaalad ammaan darro, waxana xusid mudan inaan wali la aasin meydka taliyaha la dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM