Covid-19: Somaliland oo amar kusoo rogtay Masaajida iyo Ajaaniibta

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee maamulka Somaliland ayaa amar ku bixiyey in muddo afar todobaad ah albaabada loo laabo Masaajida degaanada maamulkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga oo nuqul kamid ah u arkay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxaa la faray hogaanka Masaajida in ay Aadanka salaada ku daraan "guriyihiina ku tukada".

Go'aanadaan, sidda ku cad bayaanka, ayaa dhaqan-galaya laga bilaabo 15-ka bisha April ee sanadkan 2020 kuna beegan Arbacadda soo aadan.

Dhanka kale, guddiga ayaa muddo shan casho u qabtay in ay degaanada Somaliland kaga baxaan ajaaniibta "sifada sharci daradda ah ku joogta". Lama xusin talaabada laga qaado hadii aysan fulin.

Intaas waxaa wehlisa in ay sheegeen in ay sii xirnaan doonan goobaha waxbarashadda, xuduudaha iyo dhamaan dekadaha laga reebo tan Berbera oo ay kasoo degaan "shixnadaha daruuriga ah".

Shacabka ayay ku booriyeen in ay hogaan-samaan talooyinka caafimaad isla markaana aysan gaadiidka ku raacin tirro aad u badan.

Talaabooyinkaan ayaa kusoo aadaya xili ay korortay tirada kiisaska Covid-19 ee maamulkaas gooni u goosadka ah. Haatan waxay mareysaa shan; Hargeysa, Burco, Boorama iyo Bebera ayuu cagadhigtay.

Qoraalka guddiga

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM