CPJ oo walaac ka muujisay xaalada xorriyada hadalka ee Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamad ku taalla Hargeysa ayaa isbuucii hore xukun hal sano oo shaqo joojin ah iyo ganaax lacageed oo saddex milyan ah shilinka Somaliland ah waxay ku riday wargeys si gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Foore.

Dacwad-oogayaasha ayaa kusoo oogay wargeyska dacwad ku aadan in lagu daabacay "warar been abuur ah iyo kuwa lagu sumcad dilayo" mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaasi gooni isu taaga ah.

Sida laga soo xigtay xeer-beegtada, mid kamid ah maqaalada lagu daabacay wargeyska ee uu xukunka ku muteystay waxaa kamid ah dhismaha Madaxtooyo cusub oo uu maamulka Muuse Biixi qorsheynayo.

Maxamed Maxamuud Yuusuf, oo ah tafaftiraha guud jaraa’idka ayaa garabka ku dhuftay dhamaan eedaymaha loosoo jeediyay, isaga oo ku tilmaamay xukunka lagu riday "mid cadaalo darro ah"

Yuusuf oo muddo 5-saac la xiray kahor inta aanan xukunka lagu riday joornaalka Foore ayaa sheegay in go’aanka maxkamada uu dhaawacayo maqaamka jaraa’idka, kaasi oo ay u shaqeyaan 8 wariye, uuna todobaadii 5-maalin uu soo baxo.

"Waxaanu qorsheynaynaa inaan racfaan qaadano," ayuu hadalkiisa kusii daray tafaftiraha.

CPJ, hay’adda difaacda suxufiyiinta ku nool caalamka, oo ka hadashay xukunka maxkamada Hargeysa, ayaa walwal ka muujisay, iyada oo ku tartarsiisay mas'uuliyiinta in ay laalaan gabi ahaanba xukunkaasi.

"Somaliland waxay adeegsaneysaa xeelado mushkilad leh si ay u aamusiso warbaahinta xorta ah..xukunka ka dhanka ah Foore waxa uu halis ku yahay in runta la ogaado, waxaana ugu baaqeynaa mas'uuliyiinta in ay xormiyaan warbaahinta madaxa banaan, oo ay ka laabtaan xukunkaasi," ayay tiri Mulki Mumo, wakiilka CPJ ee dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Axmed Aadan, oo ay CPJ u gudbisay dalab ah in uu kasoo jawaabo su’aallo ku aadan kiiska loo haysto wargeyska ayaa nan soo bixin wax war-celin ah.

Sikastaba ha ahaatee, suxufiyiinta ku nool Somaliland iyo dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa dhibaato kala kulma hadba maamulka markaasi jira, iyada oo ay intaasi dheer-tahay xariga aanan loo meel-dayin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM