Dhimashada iyo kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo mar kale korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa goordhow soo bandhigtay natiijadda 110 qof oo 72-dii saacadood ee lasoo dhaafay laga baarey safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Todoba iyo soddon qof (37) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa muwaadiniin, 21 qof waa rag, 16 qofna waa dumar, sidda lagu sheegay warbixinta maanta kasoo baxday Wasaaradda.

Da’da Bukaanadan cusub ayaa waxay u dhaxaysaa; 20jir ilaa 30jir = 18 qof, 30jir ilaa 40jir = 9 qof, 40jir ilaa 50jir = 2 qof, 50jir ilaa 60jir = 4 qof, 60jir ilaa 70jir = 3 qof iyo 70jir ilaa 80jir = 1 qof.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, dhamaan bukaanada waxay ku dhaqan yihiin magaala madaxda maamulkaas ee Hargeysa.

Tiradda dadka qaba cudurka ee ku nool degaanada Somaliland ayaa mareysaa 168 ruux, waana suurtagal in ay intaas ka badato.

Dhanka kale, geeridda saddex qof oo caabuqa galaaftay ayaa 72-dii saacadood ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey, taas oo wadarta ka dhigeysa 14.

Hal qof waa rag da’diisu ahayd 24jir, halka labada kale ay ahaayeen dumar da’dooda lagu kala sheegay lixdan jir [60jir] iyo lixdan iyo saddex sano jir [63jir].

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed iyo toban (18)," ayaa warbixinta lagu soo gabagabeeyay.

Kororka iyo tirada badan ee la diiwaan-geliyey ayaa kusoo hagaageysa xilli xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay dabcisay talaabooyinka looga hortagayo xanuunka inta lagu guda jiray dabaaldega Ciidul Fidriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM