Dib-u-dhac ku yimid doorashooyinka Somaliland [Akhri Sababta]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kaga dhawaaqeen magaalada Hargeysa inay dib udhigeen doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo Sharci-dejinta.

Doorashooyinka ayaa sida uu xeerinayao Dastuurka maamulkaan gooni isku taaga ah, waxaa la qabtaa 29-ka bisha Maarso, balse sida haatan muuqata ma qabsoomi karto sababo badan oo jira darteeda.

Gudoomiyaha kooxda qaban-qaabada coddeynta, C/qaadir Imaan Warsame, oo war-fidiyeenka ugu waramay xarunta Somaliland ayaa si cad wuxuu usoo bandhigay qodobada keenay dib udhigista doorashada.

Sideed qodobo oo ay ugu waawayn yihiin, uguna muhiimsan yihiin; kalsooni ay ka waayeen xisbiyada mucaaradka iyo miisaaniyad la’aan ayuu Warsame ku tilmaamay waxybaahaha dib-u-dhac keenay.

Warsame, inta uu ku guda jiray shirka jaraa’id, oo uu saxaafada u qabtay kuma uusan kusoo bandhigay ama soo hadal qaadin hadii ay jirto waqti kale oo ay qaban doonan coddeynta.

“Kadib markii ay nasoo food-saareen caqabadahaasi….Kulan ay yeesheen xubnaha Guddigu waxaan ku go’aan-sanay in dib udhigno doorashooyinka,” ayuu Gudoomiyuhu si cad daaha uga rogay.

Talaabadda Guddigu, oo aysan wali ka hadlin xisbiyadda mucaaradka ama midka talada haya, ayaa imaaneysa xili kala qaybsaneen wayn oo dhinaca doorashooyinka ah ay ka taagan tahay hogaanka siyaasada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM