Dowladda Somalia: Heshiiska Berbera Waa Sharci Darro

Image

WASHINGTON DC — Golaha wakiilada Somaliland ayaa dhawaan ansixiyay heshiis ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World oo lagu maalgalinayo dekedda magaalada xeebeedka Berbera.

Hesiiskan ayaa waxa uu ku kacaya malaayiin dollar. Hadaba, dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay heshiiskaasi ka hadashay kuna tilmaantay mid sharci darra ah oo aaney dan Soomaalida ugu jirin. 

Hanti dhowraha guud ee qaranka Soomaaliya Nuur Faarax ayaa arrintan uga waramay wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa waxkama jiraan ku tilmaantay hadalka Hanti-dhowraha dowladda Somalia.

Wasiirka qorsheynta Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil ayaa VOA u sheegay in Somaliland ay ka madax banaan tahay Somalia, isla markaana ay heshiis walba la gali karto cidda ay doonto.

Dhageyso wareysiyada labada dhinac 

VOA

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM