Ethiopian la masaafurinayo oo shil ku dhintey

Somaliland
Dadkan ajaanibka ah ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaarey ayaa laga keenay xeryo  ku yaalay gobolka Sool

HARGEYSA- Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey 4 qof oo laba kamid ahi ciidamada ammaanka ka tirsanaayeen, ayaa dhintay 65-qof oo  oo kalena waa dhaawac kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo siday dada oromo ahi ku dhacay dhinaca bari ee deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Maroodi jeex.

Sida saraakiil caafimaad warbaahinta u sheegeen waxa dhaawacyada intooda ugu badan la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee Hargeysa, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dadkan ajaanibka ah ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaarey ayaa laga keenay xeryo  ku yaalay gobolka Sool  waxana ay qayb ka ahaayeen daabulka iyo musaafurinta xukuumadda Somaliland ku hayso dadka kasoo jeeda wadanka Ethiopia. 

GAROWEONLINE

Warar la xiriira

JILIB, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa Labo muwaadin oo u dhashay dalka India waxay ku dishey degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jilib ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Al-Shabaab ay dileen labadaasi nin, kadib m ...