​Faysal Cali-waraabe "Ha la joojiyo wada-hadalka Somalia iyo Somaliland"

Image

HARGEYSA- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa kasoo horjeestay sii socodka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxana uu soo jeediyey in gebi ahaanba la joojiyo wada-hadalladaas inta ay jirto dawladda uu ggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Faysal Cali-waraabe oo kasoo laabtay safar uu dalka dibadda kaga maqnaa, ayaa Dawladda federal-ka Somalia ku tilmaamay mid  haatan gashay wakhti olole, isla-markaana aanay ay fiican tahay in natiijada dambe la sugo, isagoo eedo culus  u jeeday dawladdaas.

”Waxan aaminsahay inaan loo baahnayn wada-hadallada Somaliland iyo Somalia, Dawladda Xasan Sheekh-na waa dawladdii baabi’isay wada-hadalladii sida fiican u socday, waanad ogaydeen dadkii ay soo direen, imikana waxa lagu jiraa wakhti olole oo doorashaa kusoo dhaw mana qurux badna in la ina isticmaalo oo olole la inaga dhigta,” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay inaanay dawladda Xasan Sheekh hoggaamiyo ahayn dawlad awoodi karta inay samayso wada-hadallo miro dhal yeelan kara, isla-markaana ay haboon tahay in lagu sugo inta la helayo dawladda  dambe.

"Dawladda Somalia ma aha dawlad wada-hadallo wadi karto ma aha, innaga iyo Xasan Sheekh-na waan is naqaanna oo ka daacad ma ahee waxan jecelahay intay dawladdaasi meesha ka baxayso inaan wax wada-hadal ah la yeelanin,” Ayuu hadalkiisa raaciyay Faysal.

Faysal Cali-waraabe ayaa marar badan kamid noqday xubnaha wada-hadallada u metela Somaliland, waxana uu kamid yahay xubnaha inta badan ku dhiirrada inay  ka hadlaan arrimaha Somalia khuseeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM