Faysal Cali Waraabe oo kahor yimid go'aankii Muuse Biixi ee DF [DAAWO]

Somaliland
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe oo war-fidiyeenka ugu waramay magaalada Hargeysa maanta oo Khamiis ah ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uusan joojin karin wadahadallada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Faysal Waraabe ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aanka Muuse Biixi ee ahaa inaysan Somaliland marba la fariisan doonin dowladda federaalka illaa ay aqoonsato "qaranimadeeda", isagoo ku sifeeyay “mid ay caadifad ka keentay”.

“Madaxwaynaha waa madaxii qaranka…Wixii aynu ku saluugsan nahay wadooyin bay leedahay…Balse wadahadalada inaga ayay dan noogu jirtaa…Mana joojin karo, waan go’aan qaran…Gudoomiyaha Baarlamanka, wuxuu ku hadli karaa wixii Golluhu ogolaado, kumana raacsana,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, Faysal Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] heshiiska uu la galay Itoobiya iyo Eritrea, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in laysku furo xuduudaha wadamadaan.

“Marka aad dooneysid inaad dal Geeska Afrika oo dhan ah aad xuduudaha isku furto, waa inaad gudahaada adkeysaa..Isbedalka gobolka hadii aanan dhexdeena [Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti] aan heshiinin, waxba socon maayaan..Hadaan is-afgarano, inagaa hogaanka u qabaneyna,” ayuu hadalkiisa raaciyay Faysal.

Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu si cad ugu dhaleeceeyay Muuse Biixi inuu u dhaqmayo sidii “kali-talis” isagoo uga digay in hadii uu wax "ka bedali waayo dhaqankiisa" ay ka tashan doonaan xisbiyada.

Hadalka Faysal ayaa imaanaya xili siyaasada Somaliland noqonayso mid sii cakirmaysa, islamarkaana xisbiyada mucaaradka iyo midka talada haya ay warbaahinta isku marinayeen hadallo xanaf leh, oo laga digay inay maamulka jira shaqeyn waayo.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey