Faysal Waraabe oo saxaafada ka weerarey Madaxweynaha Somaliland [DAAWO]

Image

HARGEYSA- Waxaa khilaaf xoogan soo kala dhexgaley Faysal Cali Waraabe iyo madaxa maamulka Somaliland Muuse Biixi tan iyo intii ka dambeysay kulankii Gudoomiyaha xisbiga UCID kula qaatey magaalada Brussels Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo.

Hadalka Faysal Waraabe ayaa yimid maalin kadib markii Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland shaaca ka qaaday inay dib usoo celinayaan sharci, mamnuucaya in siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta maamulkaasi la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baashe Maxmed Faarax, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in sharcigan loo qeybiyay xilldhibaanadda Gollaha, islamarkaana ay kasoo saareen go'aan kama dambeys ah, oo ah inaan lala kulmi karin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo taageerayashiisa xisbigiisa kula hadlay galabta magaalada Hargeysa ayaa sheegey in Madaxwayne Biixi lala xisaabtamayo isla markaana hogaamintiisa la qiimeeynayo.

" Madaxweynaha shaqadiisa waxaa weeye inuu dadka isu soo jiido, inuu dadka mideeyo, inuu dadka hurumar u keena weeye, annigu waligay ma arag Madaxweyne ka jecel wadashaqeynta ficil iyo in la is caayo laakiin anigu la ficiltami mayo Muuse, kursiga ayuu noo fadhiyaa, hadaan ficiltano wadanku jiri mayo, waa in laga hadlaa Todoba bilood dalkaan sidee buu ahaa, ee ma ah in laga hadlo Faysal ayaa Farmaajo u tagey, mudadii Muuse kursigaan hayey ha la is qiimeeyo." sidaas waxaa yiri Faysal Cali Waraabe oo magaalada Hargeysa kula hadlaya tageerayaashiisa.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo lagu xusuusto taageeradii uu siiyey go'aankii Somaliland ku qabsatey deegaanka Tukaraq ayaa waxaa dadka siyaasada maamulkaas la socda aamisan yihiin in xisbiga UCID kala shaqeeyey xisbi xaakimka Kulmiye sidii talada maamulkaas uusa qaban lahayn Cabdiraxman Cirro xiligii doorashada.

Faysal Waraabe ayaa kulankii magaalada Brussels kula qaatey Madaxweyne Farmaajo waxaa ku weheliyey Cali Khaliif Galeyr oo mamaulka Somaliland marti ugu ahaa bilihii ugu dambeeyey magaalada Hargeysa.

Lama oga saameynta siyaasadeed ay ku yeelan karto Cali Khaliif mar hadii uu xumaadey xiriirkii Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi. Faysal Cali Waraabe iyo prof.Khaliif ayaa wayadaan dambe aad isugu dhowaa isagoo inta badan qayb ka ahaa kulamadii dhexmarey maamulkaan iyo kooxda Khaatumo ee uu hogaaaminayey Mr. Khaliif.

Somaliland ayaa horey u sheegtey iney ka go'dey dalka Soomaaliya intiisa kale balse ma helin ictiraaf, waxaana dhibaato xoogan ka haysaa sidii ay ula-macaamili laheyd beesha caalamka kuwasoo diidan in dalkaan ku yaal geeska Afrika kala go'.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM