Feysal Cali Waraabe oo Jabuuti ku tilmaamay 'Cadowga' Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland [UCID], Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul u eedeeyay dowladda Jabuuti, oo maalmo kahor Heshiiska uga baxday Shirkadda DP World.

Feysal Cali Waraabe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka xumaado Heshiiska DP World ay la gashay Somaliland, ee ay ku ballaarinayso Dekedda mahaalada Berbera.

"Runtii aad baan uga naxay Madaxweyne Geelle inuu yiraahdo horumarka Berbera iyo Boosaaso ayaa wax u dhimaya horumarkayga, sidaasi ayaan DP World uga qaadnay maamulka Dekedda Doraale," ayuu yiri Feysal.

Dekedda Boosaaso waxaa maamusha Shirkadda P&O ports oo hoostagta DP World, oo lagu wareejiyay sanadkii tagey kadib markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu Heshiis 30 sano ah la galay April 2017 kaasi oo ku kacaya 336 Milyan oo Doolar.

Wuxuu Faysal Cali Waraabe sidoo kale xusay in Somaliland ay xaq u leedahay inay horumar gaarto, islamarkaana aysan ka weecin doonin go'aanka Jabuuti qorshaha lagu ballaarinayo Dekeda Berbera.

"Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, oo xoolaheena ay ka dhoofaan, oo waliba Madaxweynaheeda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u heesno, oo amaano, waa nasiib darro hadalka kasoo yeeray," ayuu hadalkiisa raaciyay Feysal.

Gudoomiyaha UCID waxa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti kahor heshiiska DP World aysan xitaa awoodi jirin inay bixiso mushaarka shaqaalaheeda, maantana waa dalka loogu jecel yahay in la maal-gashado Gees Africa.

Wuxuu sheegay in DP World ay u dhistay Jabuuti lix Dekedood oo waaweyn oo k adhigay wadankaasi albaabka laga galo Africa, iyadoo dhaqaalo badan kasoo galay dowladda maalgashiga lagu sameeyay.

Feysal Cali Waraabe ayaa carabka ku dhuftay in Heshiiskii Somaliland la gashay DP World ee Dekedda Berbera iyo midka Imaaraadka ee Saldhigga Military uu cadow badan u sameeyay Somaliland.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa yimid markii dhawaan dowladda Jabuuti dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay heshiiskii DP World ku maamulaysay qeynta Kunteenarada ee Dekedda Doraale.

Jabuuti ayaa ku sheegtay sababta khilaaf labada dhinac u dhaxeeyay tan iyo 2012 oo la xalin waayay, iyadoo dhanka dowladda Dubai ee leh DP World ay qoraal ay soo saartey Shirci darro ugu tilmaantay go'aanka Geelle.

Dowladda Dubai ayaa sidoo kale sheegtay in dacwadeeda ay u gudbisay Maxkamadda qaabilsan dhex-dhexaadinta ee fadhigeedu yahay London, iyadoo dhanka kale ugu baaqday Jabuuti inay ka laabato go'aankeeda sharci darrad ah, soona celiso wadashaqeyntii kala dhaxeysay DP World.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM