Feysal: Dhex-dhexaadintii Mareykanka ee Colaadda Tukaraq waa la jebiyay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaadey inuu jiro heshiis Mareykanka ku dhex-dhexaadiyay Puntland iyo Somaliland, oo la jebiyay.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Feysal ayaa ku eedeeyay Puntland inay jebisay heshiiska oo ka koobnaa afar qodob kaasi oo la doonayay in lagu dhameeyo colaadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 - Qodobada Heshiiska Nabada Tukaraq -

1 - In la joojiyo xabada
2 - In la furo wadahadallo
3 - In la isku celiyo maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday
4 - In dib loo billaabo wadahadalladii Somaliland iyo dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha UCID ayaa intaasi ku daray in Mareykanka uu la hadlay Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Puntland, Muuse Biixi, Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Feysal ayaa xusay in heshiiska oo la gaarey habeenkii Arbaacadi la jebiyay subaxixii Khamiista ee shalay, kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay Puntland weerar kusoo qaadey Ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan Tukaraq.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacdyada oo ku aadan waxa ka jira hadalka Feysan Cali Waraabe, ee ah in Mareykanka uu heshiis kala dhex dhigay Puntland iyo Somaliland, kaasi oo lagu doonayay in lagu dhameeyo colaadda Tukaraq.

Somaliland ayaa madaxdeeda inta badan ku eedeeya colaadda Tukaraq dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka dhowrsada inay carabka ku dhuftaan Puntland, oo la ogyahay inay tahay cida ay dagaalka kula jiraan xilligan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM