Feysal Waraabe oo dabciyey aragtidiisa wadahadalka DF

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga UCID, Feysal Cali Waraabe, oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa dabciyey mowqifkiisa ku wajahan in dib loo bilaabo wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland.

Hadalkan ayaa imaanaya xili todobaadkii hore uu magaaladda Nairobi, caasimadda dalka Kenya, kula kulmay Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], madaxweynaha Jubaland.

Dhinacyadda ayaa isla soo qaadey xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland si lamid ah ajendeyaal quseeya gobolka Geeska Afrika.

Faysal iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay siyaabo gaar-gaar ah ula shireen xubno ka tirsan ONLF iyo dowladda Kenya.

"Soomaaliya [Dawladda Federaalka] waan la kulmaynaa. Soomaali sidan way ku baaba'aysaa, waxaana doonaynaa inaan caqli Soomaali keeno, maanta Soomaaliya balaayo [dhibaato] bey ku noqotay Afrika, annagana bar-madow bey nagu noqotay," ayuu yiri Feysal.

Wuxuu ku daray: "…in aan keeno qaab Soomaaliyeed oo lagu xaliyo arrinteena. Waxaanu ognahay inaanu Jabuuti dan u ahayn, waxaanu aragnaa in Itoobiya dan u ahayn, Kenya u ahayn Mareykan-na u ahayn".

"Waa arrin Soomaaliyeed, Soomaali ahaan baanu ku dhiseynaa arrintaasi oo ku solve-gareynaynaa [ku xalineynaa]," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Gudoomiyaha UCID oo horey u taageersanaa aragtida xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee ah marka dowladda Soomaaliya "aqoonsato" qadiyadooda la furo wada hadalka ayaa haatan bedelay aragtidiisa.

"Kalinka Shanaad, NFD – Soomaalida Kenya, guddi odayaal ah ayaanu dooneynaa in aynu sameyno oo aynu sameyno road map-kii Soomaali lagu hagaajin lahaa, waana danta Somaliland, oo ah inaan helno partner [dhinac] aan kala baxno".

Somaliland ayaa sheegatay in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii, wallow aysan helin aqoonsi caalami ah.

Mar la waydiiyey Faysal hadii wada hadalada uu soo jeediyey ay "kasoo horjeeda" gooni isu taaga Somaliland ayuu ku adkeystay in Soomaaliya ay kolkii hore wadajir ahayd isla markaanna la kala qeybiyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u magacaabay Guddiga wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, inkasta oo illaa iyo hadda aysan shaqo gelin.

Dowladda Puntland ayaa mar sii horeysay codsatay in laga qeybgeliyo wada xaajoodyadda oo hakad ku jira tan iyo 2013-kii. Intii ay socdeen wada hadaladda kama aysan soo bixin natiijo horseeday in mar kale kulmaan dhinacyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM