Gaas iyo Muuse Biixi oo lagu cadaadinayo inay soo afjaraan Colaada Tukaraq

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxda Puntland iyo Somaliland ayaa waxay kala kulmayaa Beesha Caalamka cadaadis ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa Colaada ka taagan tuuladda Tukaraq, iyo gabi ahaanba Gobolka Sool.

Wakiilo ka socda Saaxiibadda Soomaaliya ee beesha caalamka, ayaa maalmihii u dambeeyay si is-daba joog ah kulamo kala gaar-gaar ah ula yeelanayay madaxda labadda maamul, iyagoo kala hadlay hal mawduuc oo ah xal u helida xiisaddaTukaraq.

Wafdiga ka socda Xafiiska arrimaha siyaadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa gaarey magaaladda Hargeysa, halkaasoo kulamo ay kula soo yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno katirsan Xukuumadiisa.

Mohamed Guyo oo ah wakiilka gaarka ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliaya, iyo Raisedon Zenenga oo isna ah ku xigeenka madaxa Arrimaha Siyaada Soomaaliya xafiiska Qaramadda ee Soomaaliya, ayaa wufuuda gaarey Hargeysa kala hogaaminayay.

Mohamed Guyo, oo marka uu kulanku soo idlaaday u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu salka ku hayo afar arrimood; xabad joojin waarta, in maxaabiista leysku celiyo, in hay’addaha samafalka fursad la siiyo, iyo in la tilmaamo wadadadii loo mari lahaa wadahadal dhexmara Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in qodobadda uu ka dhawaajiyay Mohamed Guyo ay ku qotomeen dulucda kulankooda, isagoo xusay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu fuliyo qodobadaas.

Raisedon Zenenga, oo ugu dambeyn, hadalka qaatay ayaa wuxuu cadeeyay in Beesha Caalamka ujeedka ugu wayn oo ay dadaalka u bixineyso ay tahay in xal-waara laga gaaro colaada Tukaraq, islamarkaana aysan dib dambe usoo noqon.

Sabtidii lasoo dhaafay ee todobaadkan ayay ahayd markii Raisedon Zenenga iyo Mohamed Guyo, ay Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe kulan kula soo yeesheen Madaxweyne Cabdiwali Gaas, iyagoo ka wadda hadlay xaaladda Tukaraq.

Tuuladda Tukaraq oo ay dagaal ku qabsadeen bishii January ee 2018 ciidamadda Somaliland, ayaa tan iyo xiligaas ka taagnaa saan-saan coladeed, iyadoo ciidamada labada maamul ay labo jeer halkaasi ku dagaalameen tan iyo horaantii sanadkan.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowr jeer ku celiyay in Puntland ay dagaal uga saari doonto Somaliland degaanka Tukaraq iyo goobaha kala ee ay sida xoogga ah ku joogta xili maamulka uu madaxda u yahay ay doorasho kusoo wajahan tahay 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM