Garabka Jamaal oo qaadacay shirweynaha xisbiga UCID

Image

HARGAYSA, Somaliland- Garabka Jamaal Cali Xuseen ee qaban qaabada shirweynaha xisbiga mucaaradka UCID, ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen kulankaas kadib markii Faysal Cali Waraabe ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne.

Xubnahan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in shirweyne aysan dhici karin iyadoo xisbigu uusan lahayn Guddoomiye, waxayna taas badalkeeda ku dhawaaqeen in la isugu yimaado shir deg deg ah hogaanka sare xisbiga lagu doorto.

Waxay ku doodeen inaysan wada hadli karin garabyada is-haya ilaa laga helo hogaan xisbi, iyagoo ku dhawaaqay in 06 November, 2016 qaban doonaan kulan lagu doorto Guddoomiye.

Shirweynaha garabka ay qaadaceen ayaa waxaa go'aamisay maxkamadda Somaliland kadib markii ay is-qabteen Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Lama oga sida dhinaca kale u aqabali doonaan waqtiga xubnahan sheegayaan in doorasho lagu qabto.

Xisbiga UCID, ayaa muddooyinkii dambe galayay fowdo siyaasadeed iyo is-qab qabsi u dhaxeeya madaxdooda, waxayna arrintan kusoo aaday iyadoo waqti yar ka harsantahay doorashada madaxtooyada ee maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM