Geerida iyo kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo mar kale sare u kacay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 29 kiisas cusub oo ah safmareenka ah dilaaga ah ee Coronavirus.

Bukaanada cusub oo 28 kamid ah ay yihiin muwaadiniin, ruuxa kalena uu u dhashay Hindiya ayaa kamid ahaa 150 qof uu la baarey saacadihii lasoo dhaafay kadib markii lagu tuhmay xanuunka faafa.

Sidda laga soo xigtay warbixinta uu arkay Garowe Online, bukaanadda cusub 19 kamid ah waa rag, halka tobbanka kalena ay yihiin Dhedig ama Haween.

Da'dooda waxay u dhaxeysaa; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 7 qof, 30jir ilaa 39jir = 8 qof, 40jir ilaa 49jir = 4 qof, 50jir ilaa 59jir = 1 qof, 60jir ilaa 69jir = 5 qof, 70jir ilaa 79jir = 2 qof iyo 80jir ilaa 89jir = 1 qof.

Bukaanadan ayaa waxay kala degan yihiin magaalooyinka: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)," ayay raacisay warbixinta.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay qormadda: "Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da'diisuna ahayd 65jir halka qof kallena yahay qof dumar oo da'eedu tahay 60jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay dalkeen Afar iyo Labatan(24)".

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda maamulka Somaliland ayaa gaareysa 413, waxaana muuqaneysa in sarre u kaca uu yahay mid si xawaare sarre ah ku socda, taas oo kordhineysa cabsida dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM