Gollaha Wakiilada Somaliland oo jawaab u diray Baarlamaanka Soomaaliya [Akhri]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xildhibaannada Gollaha Wakiiladda maamulka Somaliland, ayaa maanta mar labaad ansixiyay Heshiiskii Dekedda Berbera ee dhawaan dalka Imaaraadka ku saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya.

Kulanka Gollaha oo ay soo xaadireen 55 Mudane, ayaa 54 kamid ah ansixiyay Heshiiska, iyagoo dhanka kale cambaareeyay go'aankii Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya shalay kasoo saarey Dekedda Berbera iyo heshiiska DP World.

Gollaha Wakiillada Somaliland ayaa ku tilmaamay qaraarka Gollaha Shacabka Soomaaliya mid gardarro ah, islamarkaana aan sharci ahayn, waxaana intaasi ay ku dareen in dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka uu ka dhalan karo xasilooni darro gobolka.

Golluhu wuxuu go'aamiyay in cid kasta oo ka qeyb-qaadata, ku taageerta ama si uun ugu gacan siisa Xukuumadda Soomaaliya qorshooyinkeeda lidka ku ah Somaliland loo aqoonsan doono cadowga Somaliland.

Baarlamaanka Somaliland ayaa 9-kii August, 2016 ansixiyay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera ee dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadda DP World, ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta, iyadoo xilligaasi Itoobiya aan qeyb ka ahayn.

Heshiiska cusub oo horaantii bishan lagu saxiixay magaalada Dubia ayaa waxa ay Itoobiya ku yeelanaysaa 19%, maadaama ay iyadu tahay dowladda kaliya ee isticmaali doonto Dekedda Berebara, waxaana ay dhisaysaa wadada Wajaale.

Heshiiskan cusub ee saddex geesoodka ah ayaa dhacay xilli uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku sugnaa dalka Imaaraadka, oo booqasho labo maalmood qaadatey ku joogay.

Go'aanka Aqalka Wakiiladda Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ay Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyeen qaraar cusub oo ku baaqaya in dalka laga mamnuucaya DP World.

Qaraarkan ayaa hadda waxa uu horyaallaa Aqalka Sare, oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada dalka, iyadoo ay suurta-gal tahay inay wax ka bedel ku sameeyaan ama dib usoo celiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Todobaadka soo socda uu booqasho ku tago dalka Qadar, isagoo hogaamin doono wafdi ballaaran oo ay kamid yihiin lix wasiir iyo Ganacsato badan.

Hoos ka akhri qoraalka Gollaha Wakiiladda Somaliland:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM