Guddoomiyaasha Awdal iyo Maroodijeex oo la isku badalay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), wareegto uu soo saaray ku magacaabay saraakiil hayadood isagoo sidoo kale isku badalay Guddoomiyaasha Gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

 War-Saxaafadeed

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)

Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)

Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM