​Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland oo is-casilay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay xilkaas kadib kulan Xildhibaanadu ku yeesheen magaalada Hargaysa ee caasumadda maamulkaas.

Fadhigan oo ay soo xaadireen 71 Mudane oo kamid ah 82 Xildhibaan ee Barlamankaasi ka koobanyihiin ayay cod gacan taagan u qaadeen dalab ka yimid Guddoomiye Carro, kaasoo Xildhibaanada u sheegay inuu ka dagayo Jadagan oo uu soo hayay waqti dheer.

“Waxaan maanta Gole weynaha sharafta badan isugu yeedhay in aan idinla wadaago go’aan muhim u ah taariikhda golahan iyo taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland-ba, kaas oo ah in aan isu diyaarinayo in aan baneeyo xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee aad ii doorateen idinku, iguna maamuusteen, kaas oo waqti dheerna aan idinku matalayey, isla markaana codkiina iyo kalsoonidiinaba aad igu siiseen in aan idinku hogaamiyo mudadaas.” Sidaas waxaa yiri Cirro.

Arrintan waxaa u codeeyay 70 Xildhibaan kuwaasoo taageeray go’aanka uu ku doonayo inuu xilka uga tago Cabdiraxmaan Cirro, waxaana diiday hal mudane oo Qura.

Guddoomiyaha jagada ka dagay ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay khudbad dheer oo uga hadlay cagaqabadihii soo maray iyo shaqadii uu qabtay mudadii uu shir Guddoomiyaha u ahaa Xildhibaanada golaha wakiilada.

“Waxaynu ku soo shaqeynay duruufo iyo caqabaddo badan, mararka qaarkoodna aad u qalafsanaa, oo ay saameyn weyn ku lahayd isbedeladda siyaasadeed ee dalku soo maray, sida dib u dhicii doorashooyinka ee xukuumadan KULMIYE iyo xukuumadii UDUB-ba ee kala danbeeyey, isbedelkii labadii xukuumadood ee UDUB iyo KULMIYE, furitaankii ururada iyo doorashadii golaha deegaanka ee 2012-kii , hadhitaankii uu hadhay xisbigii xukuumaddii hore ee UDUB oo ay ka soo jeedeen 33 xildhibaan oo golaha fadhiya maanta iyo soo bixitaankii axsaab cusub oo qaranku yeeshay.” Sidaas waxa hadalkiisa ku Cabdiraxmaan Cirro.

Mas’uulkan ayaa kamid ah murashaxiinta u tagaan xilka Madaxweynaha isagoo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana is-casilaadiisa uu sabab uga dhigay inuu doonayo sidii uu uga madax bannaanaan lahaa loollankiisa doorashada maadama sida uu hadalka u dhigay mucaradad ay uga imaanayaan siyaasiinta Somaliland qaybtood.

Lama oga inuu ka tanaasuli doono xilka xubnimada Barlamanka, isagoo golaha soo hogaaminayay tan iyo 2005.

Talaadada soo socota ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland oo ay u sharaxanyihiin saddex mudane oo kala ah;  Baashe Maxamed Faarax oo hadda ah gudoomiye ku xigeenka 1aad oo hadda u sharaxan gudoomiyenimadda, Saleebaan Cali Koore iyo Cabdiraxmaan Talyena, kuwaasoo dhammaantood kasoo jeeda gobolka Sool.

Mudanayaasha kala ah; Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Cali Koore ayaa kasocda Xisbul Xaakimka maamulkaas ee KULMIYE, halka Cabdiraxmaan Talyena uu matalayo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Lama oga cidda soo bixi doonta, balse waxaa socda loollan adag oo lagu raadinayo cidii qaban lahayd hogaanka Barlamanka Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in doorashada Madaxtinimo ee maamulka Somaliland lagu wado inay dhacdo bisha Nofeenbar ee sanadkan 2017, waxaana ku tartamaaya Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad doonaya in uu tartamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM